Finland waxaa laga helay 250 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Isniin 07.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 250 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 27 881 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 36 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 171 qof, gobolka Etelä-Savo oo 20 qof laga helay iyo Pohjos-Pohjanmaa oo laga helay 18 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (86), Espoo (42), Vantaa (29), Pieksämäki (17), Oulu (16), Lappeenranta (6), Hyvinkää(5), Karina (4), Turku (3),  Kuopio (3) Kouvola (3), Kotka(3) Muurame (3).

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, waxaana laga helay feyruska mudadaas labada toddobaad gudahood ah 6 242, taasoo tiro gaareysa 4 000 kabadan labadii toddobaad ee ka sii horreeyay.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) Tirada dhimashada ayaa maraysaa haatan tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland 415 qof.

Xaaladda cudurkan safmarka ah ee korona ee dalka oo dhan ayaa meel adag maraysa, Heerka faafista ee cudurkan safmarka ah waxaa ku jira gobollada kala ah: Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Pohjois-Satakunta.

Inta kale ee soo hartay waxaa gobollada badankood ay ku jiraan heerka labaad ee karaar- qaadashada cudurkan safmarka ah.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

19 491 259   67 484 147
 

Tirada u dhimatay feyruska

     444 780     1   543 431

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 15     milyan  173 861    1 076 288 906
  2 Hindiya 9,67  milyan    32 272       374 140 590
  3 Baraaziil 6,60   milyan    26 363       321 176 962
  4 Ruushka 2,46   milyan    29 309       457   43 141
  5 Faransiiska 2,29   milyan    11 022       174   55 155
  6 Talyaaniga 1,728 milyan    18 877       564   60 078
  7 Ingiriiska 1,723 milyan    17 277       231   61 245
  8 Isbeyn 1,69   milyan   46 252
  9 Arjantiin 1,46   milyan      3 278       138   39 770
10 Kolombiya 1,37   milyan      8 854       175   37 808
11 Jarmalka 1,18   milyan    14 750       184   19 159
12 Mexico 1,16   milyan    11 625       593  109 456
13 Poland 1,06   milyan      9 174       228   20 089
14 Iiraan 1,04   milyan    11 561       294   50 310

Xigasho: YLE,HS,WORLDOMETER