Waxaa billaabatay codbixinta hore ee doorashada Madaxweynaha Finland 2024- Muqdisho iyo Hargeysa oo lagu codeyn karo

Kuvituskuva vaaliuurnasta, uurna, vaalit, äänestys. Vaaliuurna-Hanne-Salonen-Eduskunta

Waxaa si habsami ah leh u billaabatay shalay (17.1.2024) codbixinta hore ee doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Finland ee 2024 oo lixdii sanaba mar la qabto.

Waxaa xiiso gaar ah leh in sannadkan ay muwaadiniinta Finnishka ah ee jooga Muqdisho iyo Hargeysa ay codkooda ku dhiiban karaan halkaas oo aanay u baahnayn in ay codka la baaqdaan ama codbixinta darteed u socdaalaan.

Waxaa mudan in la xuso in markii ugu horreysay Hargeysa la geeyo sanaadiiqda codka ee doorashooyinka Finland. Muwaadiniinta Finnishka ah ee jooga Somaliland ayaa arrinkan si weyn u soo dhoweeyay. Weriyaha weyn Khaalid Foodhaadhi ayaa barnaamijkan labada qaybood ah ka diyaariyay:

 

Faahfaahin dheeraad iyo macluumaadyo muhiim ah oo ku saabsan doorashada madaxweynaha Finland ee habraaca loo maro oo af-Soomaali ku qoran waxaad ka heli kartaa linkigan gadaashiisa.

Musharashixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Finland iyo lambarada ay doorashada ku gelayaa ayaa kala ah Mika Aaltola (7), Li Andersson (2), Sari Essayah (9), Pekka Haavisto (10), Jussi Halla-aho (5), Harry Harkimo (4), Olli Rehn (3), Alexander Stubb (8) iyo Jutta Urpilainen (6).

Murashaxiinta iyo aragtiyadooda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho waxaad ku ogaan kartaa adigoo halkan dhag-siiya.

Sida ku cad wargelinta doorashada ee ay soo saartay safaaradda Finland ee Kenya iyo Soomaaliya, cinwaannada goobaha laga codeyn karo waa kuwaan hoose:

CODBXINTA HORE EE SOOMAALIYA:

Chelsea village, Mogadishu

Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisgo, Airport Aden Adde

Tel. +254 203 750 721

Saacada ay furantahay, Wareegga koowaad:

17.01.2024  10.00-14.00

18.01.2024  10.00-12.00

Haddii wareeg la aado:

31.01.2024  10.00-14.00

01.02.2024 10.00-12.00

Hotel Ambassador, Hargeisa

Airport road, Hargeisa

Tel. +254 203 750 721

Haddii wareeg la aado:

17.01.2024. 10.00-14.00

18.01.2024  08.00-10.00

Wareegga labaad ee dhici kara:

31.01.2024  10.00-14.00

01.02.2024  8.00-10.00

Isha warka: Finland in Kenia