Finland oo dalka dib ugu soo celisay lix cunug iyo labo hooyo oo ku jiray xerada Al-Holi oo ay ku jiraan haraagii ISIS

Calanka Finland: Photo Mohamed Ibrahim

Dowladda Finland ayaa waxay Axaddii ku beegnayd 20.12.2020 dib u soo celisay lix cunug iyo labo hooyo oo u dhashay dalka Finlnad. Dadkan oo laga soo qaaday Waqooyiga Bari ee dalka Suuriya ayaa haatan ku jira gacanta maamulka dowladda Finland.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa lagu sheegay in Finland iyo Jarmarku ay iska kaashadeen dib u soo celinta muwaadiniintan Finnishka ah iyadoo uu Jarmalkuna dhankiisa isla hawlgalkan ku soo celiyay muwaadiniin Jarmal ah.

Finland ayaa dhanka kale sheegtay in weli ay xeradaas ku jiraan muwaadiniin Finnish ah, kuwaas soo celintooda laga shaqaynaayo.

Xerada Al-Holli ayaa waxaa ku jira dad carruur iyo dumar u badan oo ka haray firxadkii ISIS ama Dacish ee Ciraaq iyo Suuriya qaybo kamid ah kal hore ku xoog badnaa.

Xigasho: https://valtioneuvosto.fi/-/suomi-ja-saksa-kotiuttivat-kansalaisiaan-koillis-syyriasta