Finland waxaa laga helay maanta 325 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sabti 9.10.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 325 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 145 679 qof.

tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 065 qof.

Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 171 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 28 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 093 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaalka qaateen dad lagu qiyaasay 4,12 milyan, taasoo u dhiganta 84,3% qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 3,57 milyan, taasoo u dhiganta 73% oo qof (9.10.).

Xigasho:YLE