Wararkii ugu dambeeyay ee feyruska korona iyo Soomaaliya

Jimco 19.03.2021. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in afartan iyo siddeedii saac ee la soo dhaafay feyruska korona laga helay 325 qof,  halka 22 qofna ay u geeriyoodeen xanuunka awgiis, waxaana sidsa wasaaraddau ay sheegtay ka bogsaday xanuunka 91 ruux.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuurayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobollada kala ah, gobalka Somaliland (179), Galmudug (39) , Banaadir (28), Puntland (28) Hirshabeelle (27) , Juba-Land (22) iyo Koonfur-galbeed (2), Bukaannada xanuunka la ildaran 819 ka mid ah waa lab, halka 106da kalena ay yihiin dheddig.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona dalka soomaaliya tan iyo markii cudurka safmarka ah uu ka bliowday dalka ayaa gaaraysa 9 925waxaa illaa iyo imminka ka bogsaday tiro gaaraysa 4 420 qof. Tirada dhimashada guud ayaa sida wasaaraddu ay warbixinta ku sheegtay waxaa ay gaaraysaa 414 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ku celisay muhiimadda ay leedahay, qaadashada talooyinka caafimaad ee ay soo gudbinayaan khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinaayo khatarta uu cudurkaan feyruska korona dadka ku keeni karo, maadaama mowjaddii labaad ee cudurka ay mar kale ka bilaabatay dalka Soomaaliya.

Dhinaca Kale Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa shaacaka qaadday in Soomaaliya uu ka bilwoday tallaalka Astara Zeneca 16-kii bishaan Maarso, uuna si habsami leh uga socdo dalka. Dr Fowziya ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya qaatay tallaalka ka hortagga feyruska korona ee Astra Zeneca.

Xigasho: Raadiyo Muqdisho