Dalalka Denmark, Norwey iyo Iceland ayaa joojiyay istcmaaalka tallaalka Astra-Zeneca, kaddib saamayn xun oo uu yeeshay awgeed.

Khamiis 11.03.2021. Howlwadeennada caafimaadka ee dalka Denmark ayaa amar ku bixiyay in muddo laba toddobaad ah la joojiyo siinta tallaalka Astra-Zeneca, Sidaasna waxaa sheegay raadiyaha qaranka ee dalka Denmark. Sababta ayaa lagu sheegay in uu tallaalku sababay xinjirow dhiigga ah, kaaso lagu arkay qaar ka mid ah dadkii tallaalka la siiyay.

Madaxa hay’adda caafimaadka qaranka ee dalkaas Denmark Søren Brostrøm ayaa sheegay, in iyadoo lagu jiro marxalad taariikhi ah oo dadka laga tallaalayo cudurkaan safmarka ah ee korona, islamarkaana ay jirto baahi weyn oo tallaalka loo qabo, in aanay arrin fudud ahayn in la joojiyo howshii tallaalka, hase yeeshee ayuu yiri Brostrøm, waxaan baatitaan ku samayn doonnaa saamaynta xun ee khatarta ah ee ay suurtaggalka tahay in uu leeyahay tallaalkaan, kahor inta aan la sii socodsiin isticmaalkiisa.

Sidoo kale dowladda dalka Iceland ayaa sheegtay in ay joojisay isticmaalka tallaalka Astra-Zeneca. Illa aiyo haatan 9000 oo dadweynaha Iceland ah ayaa lagu muday tallaalka Astra-Zeneca.

Dalkaan Finland sida ay sheegtay hay’adda Fimea ee qaabilsan la socodka ammaanka daawooyinka, si caadi ah ayuu tallaalka Asrta-Zeneca uga sii socon doonaa Finland. Sida ay hay’addu sheegtay wali ma jiraan wax wargelin ah oo ku saabsan saamaynta xun ee tallaalka oo la soo gaarsiiyay. Waxaa ay hay’addu sheegtay in xaaladda tallaalka lala soconaayo, iyadoo ay arrinkaas iska kaashan doonaan hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee THL.

Hay’adda daawada Yurub (EMA) ayaa la soconaysa xaaladda tallaalka, waxaana haatan ay qiimayn ku samaynaysaa arrimaha dhiig xinjiroowga ee tallaalka la xiriira.