Guddiga iyo hawlwadeennada Ololaha Dib u doorashada Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo markale maanta Olole guuleystay ka sameeyay magaalada Helsinki- iyo arrimo la yaab leh oo ay la kulmeen (swirro)

Hawlwadeennada iskood isu-xilqaamay iyo guddiga Ololaha dib u doorashada Xildhbaan Suldaan Said Ahmed ayaa mar-qura maanta isku-fidiyay goobaha ay dadku ku badan yihiin ee caasimadda Helsinki, deegaan doorashada Murashax Xidlhibaan Suldaan Said.

Qaar ka tirsan Hawlwadeennada ololaha dib u doorashada Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo ku sugnaa goobo kala duwan oo ku yaal afarta jiho ee magaalada Helsinki ayaa la kulmay dad fara badan oo marka waraaqaha farriimaha doorashada Murashax Suldaan Said Ahmed loo taago ku dhowaaqaya in ay codkooda dhiibteen ayna u codeeyeen Xildhibaan Suldaan Said Ahmed.

Waxyaabaha la yaabka leh ee ay hawlwadeennadu soo sheegeen maanta ayaa waxaa ka mid ah, in dadka maalmihii la soo dhaafay si hordhac ah ugu codeeyay Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ay isugu jireen dhallinyaro, dad waayeel ah iyo weliba ku wada’ dhexaad ah.

Dhallinyarada Murashax Suldaan Said u codeeyay ayaa qaarkood si aan gambasha lahayn u sheegayay in mustaqbalkooda ay ka dhex arkaan siyaasadda diir-naxa, xog-ogaalnimada iyo bani’aadminada wadata ee uu Xildhibaanku ku soo bandhigay baarlamaanka Finland ee maanta yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay.

Dadka shaqaalaha ah ayaa dhanka kale murashax Xildhibaan Suldaan ku doortay garab-istaaggii uu shaqaalaha u muujiyay welina u hayo markii ay u dagaalamayeen, in mushaarka loo kordhiyo xaaladdooda shaqadana la hagaajiyo.

Qaar ka mid ah dadka waayeelka iyo ardayda ah ee Suldaan Said u codeeyay ayaa ku doodayay in xildhibaanku uu fahamsan yahay nolosha waayeelka, waalidiinta carruurta guryaha ku heysta iyo ardayda la daalaa-dhacaysa waxbarashada iyo nolosha uu sicir-bararku adkeeyay.

Ballanteenu waa: Suldaan Said Ahmed oo aan markale dib ugu celiyo Baarlamaanka Finland, si uu u sii wado u doodista dadka dhaqaalaha yar, shaqaalaha, ardayda, dhallinyarada iyo waayeelka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada.