Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee JFS Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo wefdi ay hoggaaminayso oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Finland

Wasiirad Khadija iyo wasiirad Maria- Credits-Almakhzumi-twitter

Booqasho rasmi ah oo qaadanaysa 4 maalmood (31.1.2023-3.2.2023) ayaa dalka Finland uga billaabatay Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee JFS Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo wefdi ay hoggaaminayso.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo cimilada ee dalka Finland Maria Ohisalo ayaa Wasiir Khadija ku casuuntay dalka Finland.

War rasmi ah oo saaxafadda loogu talaggalay oo ka soo baxay wasaaradda deegaanka iyo cimilada Finland ayaa lagu sheegay in wasiirad Khadija ay Finland kula kulmeyso wasiirka deegaanka iyo cimilada ee Finland Maria Ohisalo iyo wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto.

Wasiirad Khadija ayaa muddada afarta maalmood ah ee ay Finland joogto soo indha-indhayn doonta shaqada cimilada ee Finland sida doorka ay keymuhu ku leeyihiin siyaasadda cimilada, sharciga cusub ee cimilada ee Finland.

Waxaa kale oo wasiirad Khadija iyo wefdiga ay hoggaaminayso la geyn doonaa Xarunta cimilada ee Finland, baarlamaanka Finland iyo goobo kale oo mudan in laga tusaale qaato, marka laga hadlayo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Ohisalo iyo Almakhzumi ayaa sidoo kale ka wadahadlaya arrimo ay kamid yihiin wadashaqeynta dhow ee siyaasadda cimilada ee u dhexeysa Finland iyo Soomaaliya. Abaaraha iyo cunno-yarida ka jirta Soomaaliya ayeey sidoo kale ka wadahadlayaan labada wasiir.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Soomaaliya iyo Finland ay leeyihiin xiriir soojireen ah, sidaas darteedna ay muhiim tahay in Finland ay Soomaaliya ka taageero dhismaha kaabayaasha wax looga qabanayo cimilada iyo xoojinta maamulkooda.

Tan iyo sideetameedkii ayeey Finland Soomaaliya la lahayd wadashaqeynta dhanka horumarinta ah. Taageerada ay Finland Soomaaliya siisay/siinayso inta u dhexeysa 2021-2024 ayaa ah 54 malyan oo yuuro.

Waxaa xusid mudan, in tan iyo markii MP Suldaan Said Ahmed loo magacaabay ergayga Wasiirka Arrimaha Finland ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika uu sare u kacay xiriirka, wadashaqeynta, iskaashiga u dhexeeya Finland iyo Soomaaliya.