Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto oo martigelinaya Shir looga hadlayo xaaladdaa Geeska Afrika

Helsinki 8.7.2020- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland Pekka Haavisto ayaa ku casuumay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub shir dhacaya 8.7.2020, kaas oo looga hadlayo xaaladda hadda ka taagan Geeska Afrika.

Ka sokow Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub waxaa shirka ka soo qaybgelaya wakiillo heer sare ah oo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa ah mid maqal-arag ah oo khadka internetka lagu gelayo waxaana looga gol-leeyahay in looga arrinsado isbeddellada bulsho ee haatan ka socda Geeska Afrika, kuwaas oo saameyn ku leh ammaanka iyo dhaqaalaha deegaankaas.

”Isbeddellada bulsho ee ka jira Geeska Afrika waxay saameyn ballaaran ku leeyihiin qaaradda oo dhan iyo weliba deegaannada kale ee ku xeeran sida deegaannada dhaca Badda Cas. Si loo caawiyo Geeska Afrika, waa muhiim in wadashaqeyn heer Caalami ah lala yeesho Midowga Afrika. Finland waxay xiriir fiican la leedahay Geeska Afrika, sidaas darteed waxaan doonaynaa in aan noqonno darafka wadashaqeyntan dhisiya” – Sidaas waxaa war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ku sheegay Pekka Haavisto, Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland.

Labada dal ee hadda isha lagu hayo marka Geeska Afrika laga hadlayo waa Soomaaliya iyo Itoobiya; Itoobiya waxaa ka taagan xaalad siyaasadeed oo aan deganayn halka Soomaaliyana ay ku jirto xilli kalaguur ah oo doorasho toosan iyo mid taban midda la qaadanayo aanay saamileyda siyaasadeed ee Soomaalidu weli isku afgaran. Waxaa kale oo aan meesha ka maqnayn dhiilada ka dhex jirta Masar iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa Mashruuca Biyaxireen Itoobiya ee dhuunqabadka ku ah Masar.