Koobka Sannadlaha ah ee Somali Cup oo Finland lagu qabtay iyo kooxda FC Itis oo koobka sannadkan qaadday

Waxaa magaalada Helsinki, gaar ahaan deegaanka bariga magaalada lagu soo gunaanaday Koobka sannadlaha ah ee Somali Cup oo uu soo qabanqaabiyo Ururka Socus Ry ee faca-weyn.

Kooban oo ay ku tartamiyeen 12 kooxood ayaa waxaa ciyaarta dhammaadka ah u soo baxay labada kooxood ee lagula kala magacaabo Alibashi Autopesula iyo FC Itis.

Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyna aad u fara badan oo isugu jiray taageerayaasha labada kooxood iyo daawadayaal ciyaareed.

Qaybta koowaad iyo labaad ee ciyaarta ayaa barbardhac ku soo dhammaaday waxaana ugu dambeyn rigoore ku guuleystay kooxda FC Itis.

Madaxda bulshada Soomaaliyeed, aqoonyahannada, Ururada, ganacsatada, Culimada, dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed ee Finland oo aan u kala harin ayaa dhiirigelin, garab istaag iyo taageeraba la garab-taagnaa kooxaha ka qaybqaatay koobka Somali Cup oo kala socday magaalooyin kala duwan oo Finland ku yaal.

Tartanka Somali Cup ayaa billowday bartamihii bishii Luulyo 2023 waxaana la soo gunaanaday 30.7.2023.

Guddiga qabanqaabada Somali Cup ee sannadkan 2023, maamulka iyo hawlwadeennada Ururka Socus Ry ayaa uga mahadceliyay shirkadaha, ururadaha iyo shakhsiyaadka ka qaybqaatay taabbagelinta ciyaaraha Somali Cup ee sannadkan 2023.

Ururka FIMU, Samha, shirkadda Medizone, shirkadda Work Finder iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si gaar ah loogu mahadceliyay kaddib markii ay dhaqaale ku bixiyaan hirgelinta iyo qabashada Ciyaaraha Somali Cup ee sannadkan 2023.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Mudane Cali Shiino oo furitaanka iyo xiritaanka ciyaaraha Somali Cup ee Finland uga qaybgalay khadka telefoonka ayaa guddoomiyaha Isboortiga Finland Mudane Cabdulqaadir Macallin (Qooje) uga mahadcelyay ka sokow qabanqaabada iyo abaabulka qabashada Somali Cup, sida hagar la’aanta ah ee uu u taageero guud ahaan isboortiga Soomaaliya.

Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka qaybgaleen labada kooxood ee sannadkan kaalinta koowaad iyo tan labaad ka galay Somali Cup iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa ka dhacday hoolka xafladaha ee Bariga Helsinki.

Xafladda ayaa abaalmarinno iyo billado lagu guddoonsiiyay labada kooxood ee kaalimaha koowaad iyo labaad galay, hawlwadeennada iyo guddiga qabanqaabada Somali Cup ee sannadkan, shirkdaha, ururadaha iyo shakhsiyaadka gacanta ka geystay taabbagelinta Somali Cup iyo dadka magaca iyo maamuuska ku leh bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland.

SSMV