Wasiirka Arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto oo ka hadlay xaaladda dadka Afgaanistaan laga soo daad-guraynayo

Kuva: Abdi Musse Mohamud/SSMV

Wasiirka arrimaha dibadda Finland oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay, in maanta oo Sabti ah kuna beeggan 28.8.2021 ay Finland ku guulaysatay in ay Afgaanistaan ka soo saarto 83 qofood oo kale oo dheeraad ah.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkan oo carruur u badan ay hadda soo gaareen goob ammaan ah oo ka baxsan Afgaanistaan, halkaas oo laga soo qaadi doono si loo keeno Finland.

Hawshan daad-guraynta ah ayaa waxaa gacan ka geysanaya ciidamo Finland ka socda oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Kabul, halkaas oo ay ku sugan yihiin dad iyo ciidamo fara badan oo isu diyaarinaya in ay Afgaanistaan ka soo baxaan.

Xaaladda Afgaanistaan ayaa mar-qura weji kale yeelatay ka gadaal markii ay ciidamada Maraykanku halkaas ka baxeen, taas oo dhabbaha u xaartay in si fudud ay xoogagga Dhaaliibaan ula wareegeen gacanta ku haynta inta badan dalkaas. Waxaa kale oo xusid mudan in madaxweynihi dalkaas uu oo isna dibadda u baxsaday.

SSMV