Suomen Somali Media Verkosto SSM oo dhammaantiin idin leh ciid wanaagsan

Maamulka codka Soomaalida Finland ee Suomen Somali Media Verkosto SSM, waxaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee fidriga awgeed uu hambalyo u dirayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland.

Waxaan Allaah ka baryaynaa in uu ciiddaan ciiddeeda kale nagu gaarsiiyo caafimaad iyo cibaado suuban, dhibaatada xanuunka safmarka ah ee korona uu naga dulqaado, dalkeeniina uu nooga dhigo mid nabad iyo barwaaqo ah.

Mar kale ciid wanaagsan, ciid mubaarak.

Maamulka Suomen Somali Media