1 676 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 14.12.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 1 676 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 207 033 oo qof. Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay (sabti, axad iyo isniin) waxaa laga helay 4306 qof iyo dhimashada 21 qof.

 Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 296 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 52 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 444 qof, waxaana ay hay’adda THL sheegtay in ay u dhinteen feyruska korona 2 qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaalka labadiisa qaybood qaateen qaateen dad lagu qiyaasay 87,3% qof oo da’doodu ka weyn tahay 12 sano jir, Qaybta Labaad waxaa qaatay 82,8 %, sidoo kale qaybta saddexaad ee tallaalka oo haatan la bilaabay ayaa waxaa qaatay dad lagu qiyaasay 10,4%.  (14.12).

Hay’adda gaadiidka dadweynaha ee isutagga degmooyinka caasimadda iyo nawaaxigeeda (HSL) ayaa shaaca ka qaadday in dadka raacaya gaadiidka dadweynaha looga baahan yahay in ay qaataan afshareerka, haddii aanay jirin arrimo gaar ah oo dhanka caafimaadka la xiriira oo uusan qofku la qaadan karin afshareerka. Hore ayay hay’adda gaadiidka dadweynuhu u soo saartay go’aanka khasabka ka dhigaayay qaadashada afshareerka, kaasoo la joojiyay 25.10.2021.

Xigasho: Yle