Wasaaradda arrimaha dibadda Kuuriyada Woqooyiga oo ka cambaaraysay kana digtay qorshaha ku biirista NATO ee Sweden iyo Finland

Sawirka qariiradda Waqooyiga Korea, xuquuqda sawirka: Google Maps

Sida ay qortay wakaaladda wararka JONHAP NEWS AGENCY ee Kuuriyada Koonfureed, dowladda Kuuriyada Woqooyi ayaa ka hadashay qorshaha haatan heerka gunaanadka ah maraya ee ay dowladaha Finland iyo Sweden ku doonayaan in ay Nato ku biiraan.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kuuriyada Woqooyi ayaa lagu sheegay, in qorshaha ay dalalka Sweden iyo Finland ee dhaca Woqooyiga Yurub ku doonayaan in ay kula biiraan Nato ay xaaladda deegaanka iyo xiriirka Ruushka kala dhexeeya sii xumaynayso. Kuuriyada Woqooyiga ayaa dhanka kale sheegtay in deganaanshiyo la’aan ay ka abuurmi doonto Aagga Badda Baltic.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Woqooyi oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay, in Mareykanka iyo Reer Galbeedku ay ka faa’iidaysanayaan xaaladda Yukreyn iyagoo doonaya in ay xarig ku giijiyaan Ruushka kana xeyndaabaan duninada inteeda kale.

Warkan ayaa ku soo aadaya xilli loo badinayo in Finland iyo Sweden ay maalmaha soo socda gudbiyaan codsiyadooda ku biirista Gaashaanbuurta Nato. Fariinta Pyongyang ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa, xilli Mareykanku ay muujiyeen u heelanaan ay u heellan yihiin difaacidda danaha dalalka Finalnd iyo Sweden inta laga baaraandegayo codsiyadooda ku biirista Nato.

Isha Warka: Wakaaladda wararka JONHAP NEWS AGENCY