Wasaaradda arrimaha dibadda Finland oo war rasmi ah ka soo saartay safarkii MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika uu Janaayo 2023 ku tegay gobolka

Warkan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Finland,  laguna daabacay bogga internetka ee Wasaaradda lagu baahiyahay baraha bulshada ee wasaaradda ayaa lagu sheegay in safarkan uu yahay kii saddexaad ee uu MP Suldaan ku tegay deegaanka tan iyo markii loo magacaabay xilkan diblumaasiyadeed bartamihii sannadkii hore ee 2022.

MP Suldaan ayaa sheegay in arrimaha isaga muhiimadda gaar ah u leh ay yihiin in dhallinyarada iyo qurbajoogta gobolku ay qayb ka noqdaan hawlaha nabadda iyo nabadaynta ee deegaanka.Shaqada ergaynimada ah ee MP Suldaan ayaa xoogga saaraysa taageeridda arrimaha la xiriira nabadda iyo nabadaynta  ee Geeska Afrika ka socda.

Booqashooyinka MP Suldaan ee Geeska Afrika ayaa ah, sida lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda, kuwa si gaar ah xoogga u saarayo sidii loo taageeri lahaa in khilaafaadka siyaasadeed ee Gudaha Somaliland ka jiro loo helo xal nabadeed oo waara.

MP Suldaan oo arrintaas ka hadlayay ayaa sheegay in Finland loo arko in ay tahay dal dhexdhexaad ah oo la aamini karo waxaana uu yiri: ”Dhedhexaadinta nabadeed ayaa mudnaanta koowaad lagu siiyaa Siyaasadda Finland ee la xiriira arrimaha ammaanka iyo dibadda, waxayna Finland muddo dheer ahayd dhexdhexaadiyaha nabadda ee caalamka ugu weyn marka baaxaddeeda loo eego. Finland ayaa waxay sidoo kale dadaal xooggan gelisay horumarinta nabadda dalalka Geeska Afrika.”

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa sidoo kale lagu sheegay, in gobolka Geeska Afrika uu nugulyahay xasiloonida deegaankuna ay ahayd mid sannadihii la soo dhaafay sidii hore ka sii liidata khilaafaadyada siyaasadeed iyo kuwa dagaal ee dalalka gobolka gudohooda ka jira dartood.

Waxaa kale oo Geeska Afrika fara ba’an ku haya abaarihii ugu darnaa ee deegaanka soo mara muddo dheer, kuwaas oo ka dhashay isbeddelka cimilada.
MP Suldaan oo hadalkiisi sii wata ayaa yiri:- ”Abaaraha iyo baahida ka jirta Geeska Afrika ayaa sii xumeyn kara khilaafaadka gobolka islamarkaasna kordhin kara qoxootinimada. Sababtaas darteed ayaan u arkaa in ay muhiim ahayd, in aan soo bandhigno su’aalo la xiriira xaaladda ammaanka cimilada iyo cimilada oo qayb ka ah ammaanka guud ee deegaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta xaalad bani’aadanimo tii ugu xumeyd geeska Afrika,  Kalabar dadka Soomaaliyeed oo ah in ka badan 8 malyan oo qofood ayaa u baahan caawimaad bani’aadminnimo.

MP Suldaan Said ah oo adeegsanaya dibulumaasiyaddiisa ergaynimo, aqoontiisa luqadeed iyo dhaqan ee deegaanka ayaa si aan horay loo arag sare ugu qaaday wadahadllada u dhexeeya dhinacyada kale.

MP Suldaan ayaa carabka ku adkeeyay, in xiriir wanaagsan oo shaqaynaya uu ka dhexeeyo Finland iyo Soomaaliya. Xaaladda hadda taagan mar uu ka hadlayay ayuu MP Suldaan yiri:-”Taageeridda xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira gudaha Somaliland ayaa ah mid mudan in la sii wado si dhowna loogala shaqeeyo dhammaan dhinacyada si loo helo xal siyaasadeed oo rabshad la’aan ah”

MP Suldaan Said Ahmed oo intii uu ku jiray safarkiisi bishii Janaayo ee Soomaaliya la kulmay xildhibaannada dhallinyarada ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka dhallinyarada Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhallinyarada deegaanka loo helo habab lagu taageero si ay u helaan mustaqbal wanaagsan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa dhanka kale sheegtay, in MP Suldaan Said Ahmed uu dhowaan u safri doona Soomaaliya si uu sii wado wadahadallada uu dhinacyada kala duwan la leeyahay. Hadafka socdaalkiisa ayaa ah, in uu dhinacyada isugu keeno miiska wadahadalka.