Wargelin ku socota Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku jira Xisbiyada Siyaasadda Finland una tartamaya Doorashada degmooyinka Finland ee 2021

Helsinki 25.12.2020- Shabakadda warbaahinta Soomaalida Finland (SSMV) oo ka duulaysa baahida loo qabo in bulshadu Soomaalida Finland ay saamayn mug iyo miisaan leh ku yeelato siyaasadda Finland ee heer degmo illaa iyo heer dowladeed ayaa waxay dhammaan Bahweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland ku wargelinaysaa in ay billaabayso barnaamij u gaar ah Siyaasadda Finland iyo Soomaalida siyaasadda dalkan ku jirta.

Sidaas darteed, waxay SSMV ku casuumaysaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Finland iyo cid kasta oo danaynaysa in ay ka faa’iidaysto fursaddan aanu shardigu xirnayn ee ay SSMV u hayso Siyaasiyiinta iyo Beel-weynta Soomaaliyeed ee Finland.

Siyaasi, maadaama aad u tartamayso doorashooyinka degmooyinka ee sannadka 2021, waxaad halkan ku soo bandhigi kartaa aragtidaada siyaasadeed, xisbiga aad metesho oo aad magaciisa ku tartamayso iyo haddii aad tartanka ku guulaysato waxa kuu qorshaysan in aad ka qabato gocashooyinka iyo cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland.

Muwaadin, waxaad halkan ka heli doontaa fursad aad wax uga ogaato doorashooyinka degmooyinka Finland ku kala barato siyaasadda iyo mabaadii’da xisbiyada kala duwan ee Finland, si aad u xulato siyaasiga iyo xisbiga aad codkaada siinayso.

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: info@suomensomalimedia.fi

Soo dhowaada!