Wargelin ku saabsan bilashada bisha Dilxijjah, maalinta Carafa iyo Maalinta Ciidda

Helsinki 20-.7.2020- WARGELIN: War ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta oo bisha Dulqicda ee bilaha islaamka ay tahay 29 la isku dayay raadinta bisha Dilxijjah, laakiin ay suurtagali weyday in bilashada bisha la arko.

Sidaas awgeed Talaadada oo ku beegan 21.7.2020 ayaa waxay noqonaysaa maalinta u dambaysa bisha Dulqicda.  30.7.2020 oo ah maalin Khamiis ah ayaa iyaduna noqonaysa maalinta Carafa, Jimcaha oo ku beegan 31.7.2020 waa Maalinta Ciidda.

Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaa bilashada bisha Dulxijjah iyo maalmahaan fadliga badan, waxaanan ku baraarujinaynaa in laga faa’iideysto kheyraadka iyo fadliga maalamaahan ay leeyihiin ee ay Culimadu wax badan ka hadashay.

Imaam Shiikh Abdirizak Sugulle

Imaamka Masjidka Alhuda ee Helsinki

Helsinki Islamic Center