Finland waxaa laga helay maanta 200 xaaladood oo feyruska korona iyo 11 dhimasho ah

Isniin 11.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 200 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 38 790 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 43 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 82 qof, Gobollada kala ah Varsinais-Suomi iyo Vaasa oo laga helay midkiiba 14 qof, iyo Gobolka Pirkanmaa oo 12 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 64 qof, Vantaa: 21 qof, Turku: 13 qof, Oulu: 10 qof, Espoo: 9 qof, Tampere: 9 qof, Hämeenlinna: 7 qof, Vaasa: 7 qof, Lahti: 5 qof, Nurmijärvi, Kuopio: 4 qof, Ilomantsi, Kotka, Jyväskylä, Lappeenranta, Kouvola: oo min 3 qof, iyo magaalooyinka Pori, Järvenpää, Laihia, Kerava iyo Tornio oo min 2 qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 166 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 32 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 597 qof, kadib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 11 qof oo hor leh oo dhintay.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa,iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo , Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 28 981 231    90 777 737
       621 585       1 944 825

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 22,9 milyan   213 453    1 792  383 275
2 Hindiya 10,4 milyan     16 085       150  151 198
3 Baraaziil 8,10 milyan     29 792       483  203 140
4 Ruushka 3,40 milyan     22 851       456    61 837
5 Ingiriiska 3,07 milyan     54 940        563    81 431
6 Faransiiska 2,78 milyan     15 944       151    67 750
7 Turkiga 2,32 milyan       9 138       176    22 807
8 Talyaaniga 2,27 milyan     18 627       361    78 755
9 Isbeyn 2,05 milyan     xxxxxx     xxxxx    51 874
10 Jarmalka 1,92 milyan     18 627       373    41 434
11 Kolombiya 1,78 milyan     15 537       330    46 114
12 Arjantiin 1,72 milyan       7 808          78    44 495
13 Meksiko 1,52 milyan     16 105     1 135  133 204
14 Poland 1,38 milyan       9 651        177    31 189
15 Iiraan 1,29 milyan       5 968          71    56 171
16 K/Afrika 1,23 milyan     17 421        339    33 163
17 Ukriane 1,12 milyan       5 011          99    19 767
18 Peru 1,04 milyan       2 909          67    38 280

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS