Ugu yaraan 300 oo arday Jaamacadeed ah oo ka qeybgalay xaflad oo u nuglaaday cudurka Korona Feyrus

Ugu yaraan 300 oo arday ayaa u nuglaaday cudurka Korona Feyrus kadib markii ay ka qeybgaleen xaflad loo qabtay arday jaamacadda Helsinki, kulliyadda Caafimaadka dhamaadkii bishii Agoosto, sida uu qoray YLE oo soo xiganaya wakaaladda wararka ee dalkan Finland ee STT.

Maalinimadii Taaladada ayaa Jaamacadda Helsinki sheegtay in tiro yar oo ardayda ka mid ah laga helay cudurka.

Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka Risto Renkonen ayaa wakaaladda wararka Finland u sheegay in ugu yaraan 300 oo arday ay ka qeyb galeen xafladda loo sameeyo ardayda oo 200 ka mid ah arday ay ahayd sanadkoodii ugu horeeyay, halka 100 kalena ay ahaayeen arday hore.

Renkonen ayaa sheegay in markaa kadib barashada koorsooyinka sanadka koowaad loo wareejiyay qaab fogaan-barasho ah ama Online ah. Ardaydii xafladdaas ka qeyb gashayna loo ay ku qaadan doonaan casharadooda qaab fogaan barasho ama Online illaa Talaadada dambe.

“Waxaan qorsheyneynaa in dhamaantood laga baaro xanuunka Korona Feyrus ayuu yiri Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka.

Warbixintaan waxaa markii ugu horeeysay tebiyay wargeyska Helsingin Sanomat.

Isha Warka: Yle, STT, Helsingin Sanomat