WARBIXIN: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland oo caasimadda Helsinki ku xustay Maalinta 1:da Luulyo ee xornimada Soomaaliyeed

Xuquuqda sawirka: SSMV

Munaasabad aad u ballaaran oo uu soo qabanqaabiyay ururka Meh ry ayna taabbagelinteeda qayb ka qaateen ururo iyo dad magac iyo qaddarrin ku dhex leh Soomaalida oo lagu xusayay maalinta ku weyn Soomaalida ee 1:da Luulyo ayaa ka dhacday magaalada Helsinki.

Munaabsaddan 1:da Luulyo lagu xusayay oo ka dhacday fagaaraha Suuqa Puhos ee Bariga Helsinki, Finland ayaa waxaa ka sokow hadallada qiirada iyo waddaniyadda leh ee madasha laga jeediyay waxaa qalbiyada dadkii ka soo qabgalay ruxay suugaantii hore iyo tan dambe ee laga sameeyay gobonnimada Soomaaliya iyo neecawda xornimada Soomaaliyeed.

Khudbaddii taariikha ahayd ee uu maanta oo kale, 1:da Luulyo 1960 Madaxweynihii ugu horreeyay Soomaaliya, aabaha dimuquraadiyadda Afrika, Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ”Aden Adde” ayaa goobta laga akhriyay.

Marti-sharafka goobta ka hadlay ayaa waxaa kamid ah xildhibaanad Qaali Cali Shire oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannadda ayaa qabanqaabiyayaasha madasha uga mahadcelisay sida hufan ee ay u xuseen 1:da Luulyo.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa goobta ruxay ka qaybgalaashuna ay jiibta iyo jaanta isla heleen fannaanada da’da yar ee laga daba-dhacay Sabriina Muuse iyo alfannaan Sule Abdalle iyo DJ:ga faraha fudud farsamadana wanaagsan Ahmed Juju.

Ka qaybgalayaasha ayaa Xildhibaanad Xabiiba Cali Kaahiye oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Espoo iyo mudane Mohamed Abdi (Abdi DJ), isku-xiraha ururada qabanqaabiyay munaasabadda 1:da Luulyo iyo Ururka MEH Ry uga mahadceliyay hawshan qiimaha badan ee ay ummadda Soomaaliyeed u qabteen.

Mahadnaq gaar ah: Ururka MEH RY, Xildhibaanad Habiba Ali iyo Mohamed Abdi (Abdi DJ)