Warbixin: Isticmaalka lacagaha been abuurka ah oo ku soo batay suuqyada Finland

Isticmaalka lacagta been abuurka ayaa ku soo badaneysa suuqyada dalka Finland, iyadoo 908 nuqul laga helay suuqyada dalka markii ugu horeysay sanadkan bilowgiisa oo keliya, taasoo ku labo jibbaaranta tiradii laga helay dalka sanadkii la soo dhaafay ee 2019 oo gaareysa 426 xabbo oo waraaqo lacageed been abuur ah.

“Tirada lacagaha been abuurka ah ee dhex wareegaya suuqyada Finland waxay ka badan yihiin sidii ay ahaan jireen” sidaa waxaa yiri Olli Vehnas oo ah khabiir ka tirsan Bangiga Finland “dadka qaar ayaa ku guuleystay isticmaalka gaar ahaan lacagaha been abuurka ah oo tayadoodu hooseyso.”

Si kastaba ha ahaatee, Venhas ayaa intaa ku daray in ay sahlan tahay in si deg deg ah loo aqoonsado lacagahaas been abuurka ah, iyadoo u sababeysay inaysan lacagahaas lahayn calaamadaha ammaanka sida calaamadda biyaha ee sawirka ama calaamadda qalinka ah.
Lacagaha been abuurka ah ee ugu badan ee laga helay dalka Finland horraantii sanadkan lacagta warqadda ah ee 20 Yuuro, taasoo inta ilaa iyo hadda la qabtay ay gaarayaan ilaa 384 nuqulka lacagta 20-ka Yuuro ah. Waxaa ku xigta lacagta nuqulka 10 Yuuro ah oo illaa iyo hadda la helay 290 nuqul iyo 50 Yuuro oo ilaa iyo hada la helay ay gaarayaan 163 nuqul.

War murtiyeed uu soo saaray Baanka dhexe ee Finland oo uu kaga waramayay lacagaha been abuurka ah ayaa sheegay in ay adag isticmaallka lacagaha been abuurka, taasoo keentay kordhinta lagu sameeyay calaamadaha hubinta sax ahaanshaha lacagta.

Isha: Yle News
Sawirka: Yle News