WARBIXIN GAAR AH: Maanta (22.3.2023) waxaa billaabatay codbixinta hordhaca ah ee doorashada baarlamaanka Finland- Yaa mudan in aan codkeenna siinno?

Waxaa maanta loo dareeray goobaha codbixinnada hordhaca ah ee doorashada baarlamaanka Finland, taas oo lagu soo dooranayo 200 oo xildhibaan oo noqon doono sharci-dejiyayaasha baarlamaanka ee 2023-2027.

Guud ahaan dadka maanta codkooda ka dhiibtay codbixinta hordhaca ah ee doorashada baarlamaanka Finland ayaa gaaraya 236 000 oo qofood, tiradaas oo u dhiganta 5,5 % dadka xaqa u leh in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada baarlamaanka ee sannadan 2023.

Waxaa markii u horreysay taariikhda siyaasadeed ee Finland gaar ahaan Golaha Sharci-dejinta (Baarlamaanka) lagu qoray Suldaan Said Ahmed oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee Finland ku barbaartay. Suldaan ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee gala baarlamaanka Finland.

Suldaan oo muddo kooban baarlamaanka ku jiray ayaa noqday xildhibaanka loogu hadal-haynta badantahay uguna saamaynta badan 200:da boqol ee xildhibaan ee ku jira baarlamaanka Finland, kaddib markii uu hindise-sharicyeedyo isdabajoog ah u gudbiyay baarlamaanka Finland.

Shabakadda Warbaahinta Soomaalida Finland (SSMV) ayaa maanta la kulantay Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo ku guda-jiray ololihiisa doorashada baarlamaanka Finland.

Xildhibaan Suldaan oo si kooban uga hadlayay waxqabadkiisa iyo arrimaha uu xoogga saarayo haddii uu markale ku soo baxo doorashada baarlamaanka ayaa yiri:

Kuva- Vitali Gusatinksy

”Waxaan galay baarlamaanka anigoo gacanta iyo qalbiga ku haya arrimo badan oo aan ku taami jiray in aan mar uun wax ka qabto. Waxaan xulufo siyaasadeed ka samaystay baarlamaanka dhexdiisa kaddibna waxaan billaabay in aan baarlamaanka u gudbiyo arrimaha aan markaas u arkayay in ay bulshadu degdeg ugu baahantahay.

Arrimahaas waxaa ka mid ah kuwa si toos ah u saamaynayay Muslimiinta Finland, sida qalliinka xoolaha ee ku habboon Diinteena Islaamka. Waxaa kale oo aan xoogga saaray sidii dadka lacagta lagu yeesho ee lacagtaas iska bixiya looga saari lahaa calaamadda sannadaha badan ku dhegganaan jirtay ee ka hortaagnayn in qofka dhaqaale dambe lagu aamino ama uu xittaa guri kireysto. Alle mahaddiis, taas waan ku guuleystay.

Waxaa kale oo ii qabyo ah arrimo badan oo aan ka xusi karo sidii ay Muslimiinta Finland u heli lahaayeen adeegyada bangiyada ee diinteena Islaamka ku habboon, maaddada Diinta ee dugsiyada iyo qabuuraha Muslimiinta lagu aaso oo iminka gabaabsi ah.”

Suldaan iyo dhallinyarada Finland @Baarlamaanka Finland

Murashaxa Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo hadalkiisa sii watay ayaa ka codsaday dadka xaqa u leh in ay codkooda dhiibtaan ee Helsinki deggan in ay codkooda siiyaan, wuxuuna ballanqaaday in uu si hufan oo hagar la’aan ah u sii wadi doono u adeegista bulshadiisa.

Haddii aadan weli codeyn, codkaadu waa muhiim ee fadlan “sii” codkaada Murashax Xildhibaan Suldaan Said Ahmed. Waa siyaasi la soo tijaabiyay!

SSMV