Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland (Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 12.6.2020, 20.00 saac (Wakhtiga Helsinki) Finland

Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7073. Tiradii shalay waxaa ku korortay 9 kiis.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 20 (1 kiis ayeey tiradii shalay hoos uga dhacday) qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jiraan 3 qofood (1 kiis ayeey tiradii shalay hoos uga dhacday).

Illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay 325 qofood (tiradii shalay waxba kuma kordhin) oo fayruska Korona u geeriyootay.

Hay’adda Caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) waxay sheegtay in kiisaska Korona ee ugu badan laga helay Helsinki marka la barbardhigo magaalooyinka kale waxaana magalaada deggan 2692 (2 kiis ayaa tiradii shalay ku korortay) qofood oo laga helay fayruska Korona.

Xigasho: YLE/THL