Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland (Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 22.6.2020- Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7144.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 21 qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jirto 2 qofood.

Illaa iyo hadda waxaa dalka Finland laga diiwaangeliyay 327 qofood oo fayruska Korona u geeriyootay.

Xigasho: YLE/THL