Finland waxaa laga helay maanta 214 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 20.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 214 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 84 501 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 4 433 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 45 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay122 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 34 qof,  iyo gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 26 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 44
Espoo 29
Vantaa 28
Tampere 23
Turku 14
Salo 6
Lahti 5
Nurmijärvi 4
Jyväskylä 4
Tornio 4
Laitila 3
Lohja 3
Pornainen 3
Kirkkonummi 3
Hämeenlinna 4
Oulu 3
Naantali 3
Vihti 2
Kuopio 2
Nousiainen 2
Kerava 2
Sauvo 2
Närpiö 2
Seinäjöki 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 163 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  36 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 893 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda THl sheegtay dhimashada 2 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 31 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4200 oo qof, kuwaasoo 3 658 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 541-ka kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 321 867 oo qof (20.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 48 085 378 142 752 807
Tirada u dhimatay feyruska  1 027 588 3 044 558

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 477 942 34 204 714
Tirada u dhimatay feyruska  118 501 470 857

 

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS