Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland (Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 24.6.2020- Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7167. Isbeddelku wuxuu ku saleysan yahay la socosho 7 maalmood ah, waxaana todobadaas maalmood ku korortay 36.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 20 qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jirto 2 qofood. Isbeddelku wuxuu ku saleysan yahay la socosho 7 maalmood.

Illaa iyo hadda waxaa dalka Finland laga diiwaangeliyay 327 qofood oo fayruska Korona u geeriyootay. Tiradan waxba kuma kordhin muddo 7 maalmood ah.

Xigasho: YLE/THL