Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland (Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 13.6.2020- Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7087. Tiradii shalay waxaa ku korortay 14 kiis.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 24 (4 kiis ayaa tiradii shalay ku korortay) qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jirto 2 qofood (1 kiis ayeey tiradii shalay hoos uga dhacday).

Illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay 325 qofood (tiradii shalay waxba kuma kordhin) oo fayruska Korona u geeriyootay.

Hay’adda Caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) waxay sheegtay in kiisaska Korona ee ugu badan laga helay Helsinki marka la barbardhigo magaalooyinka kale waxaana magalaada deggan 2695 (3 kiis ayaa tiradii shalay ku korortay) qofood oo laga helay fayruska Korona.

Xigasho: YLE/THL