Hay’adda SOCUS RY oo qalab Sports guddoonsiisay Bulsho Youth Academey ee ka dhisan Soomaaliya

Hay’adda SOCUS RY oo qalab Sports guddoonsiisay Bulsho Youth Academey ee ka dhisan Soomaaliya

Hay’adda SOCUS RY oo ah Hay’ad ka shaqeysa dhiirrigelinta iyo taageeridda dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa waxay ay qalab sports oo heerkiisu sarreeyo ku wareejisay Bulsho Youth Academy oo ah Akadeemiyad ka dhisan Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile.

Bulsho Youth Academy waxay gacanta ku heysaa dhallinyaro fara badan oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Gobolka Banaadir, kuwaasoo ay siiyaan tababar iyo wacyi gelin ku saabsan in aysan ka qeyb qaadan dhibaatooyinka dalka ka jira sida dagaallada iyo maandooriyaha dhibaatada ku haayo dalka iyo caalamkaba.

Maamulka, Macallimiinta iyo Taageerayaasha Bulsho Youth Academy ayaa u mahad celiyay Hay’adda SOCUS RY iyo maamulkeeda oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Cabdulqaadir Axmed Macallin Cilmi (Qooje) iyo Cabdullaahi Maxamed Xasan iyagoo uga mahadceliyay sida xushmadda leh ee ay u garab istaageen dhalliyarada ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxay Maamulka, Macallimiinta iyo Taageerayaasha Bulsho Youth Academy ka codsadeen Hay’adda SOCUS RY in ay halkooda ka sii wadaan howshaan qiimaha badan ee ay u hayaan bahda ciyaaraha soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Bulsho Youth Academy ayaa waxay shahaado sharaf guddoonsiisay Guddoomiye Cabdulqaadir Axmed Macallin Cilmi (Qooje) iyo Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ah maamulka Hay’adda SOCUS RY inkastoo uu Guddoomiyaha maqnaa waxaa u guddoomay Cabdullaahi Maxamed Xasan.