Finland waxaa laga helay maanta 192 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sabti 15.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 192 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 89 878 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 782 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 48 qof,  gobolka Päijät-Häme oo laga helay 31 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo  laga helay 23 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Lahti 27
Tampere 18
Helsinki 18
Turku 10
Kokkola 9
Espoo 8
Eura 7
Kouvola 7
Janakkala 7
Vihti 6
Hämeenlinna 5
Vantaa 5
Riihimäki 4
Salo 4
Oulu 3
Kannus 3
Orimattila 3
Nurmijärvi 3
Lieto 2
Kerava 2
Järvenpää 2
Pori 2
Alavus 2
Loppi 2
Kuopio 2
Hyvinkää 2
Kirkkonummi 2
Torino 2
Mikkeli 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 122 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 931 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 17 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 424 oo qof, kuwaasoo 5 265 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 132 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 092 493 oo qof (15.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 162 974 265 51 930 344
Tirada u dhimatay feyruska 3 378 495 1 104 979

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS