Finland waxaa laga helay maanta 353 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 9 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Isniin 08.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 353 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 47 969 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 70 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 184 qof, gobolka Keksi-Suomi oo laga helay 39 qof, iyo gobolka Vaasa oo laga helay 27 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 92 qof, Vantaa: 35 qof , Jyväskylä: 29 qof , Espoo: 26 qof, Turku: 15 qof, Vaasa: 13 qof, Tampere: 10 qof, Sotkamo, Kirkkonummi, Riihimäki, iyo Järvenpää: oo laga helay min 6 qof, Magaalooyinka Närpiö, Uusikaarlepyy iyo Oulu: oo laga helay min 5 qof, Waxaa min 4 qof laga helay magaalooyinka kala ah: Pori, Tuusula, Lahti, Rovaniemi, Lohja, Muurame, Paimio, Rauma, Laukaa, Hämeenkyrö, Kerava, Kolari iyo Hollola. Magaalooyinka kala ah Ikaalinen, Maalahti, Inkoo, Sipoo, Lappeenranta iyo Äänekoski waxaa laga helay min 2 qof. Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 125 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 16 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 701 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shaaca ka qaadday maanta dhimashada 9 qof oo hor leh.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 170 641 qof (8.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     35 581 559    106 755 002
             773 884         2 328 814

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 27,611,093    89 691   1 340  474 933
2 Hindiya 10,838,843    11 673        86  155 114
3 Baraaziil   9, 542,640    26 845      492  231 561
4 Ruushka   3,967,281    16 048      432    76 661
5 Ingiriiska   3,945,680    15 845      373  112 465
6 Faransiiska   3,337,048   19 715      171    78 965
7 Isbeyn   2,971,914              61 386
8 Talyaaniga   2,636,738    11 641      270    91 273
9 Turkey   2,531,456      6 670      112    26 797
10 Jarmalka   2,291,510      6 511      130    62 128
11 Kolombiya   2,157,216      6 009      300    55 993
12 Arjantiin   1,980,347       3 658        61    49 171
13 Meksiko   1,926,080    13 209   1 496  165 786
14 Poland   1,550,255      4 728       93    39 087
15 K/afrika   1,476,135      2 435      110    46 290
16 Iiraan   1,466,435       7 065        57    58 469
17 Ukriane   1,244,849       3 370        81    23 597
18 Peru   1,186,698       6 220      187    42 308
19 Indonesia   1,157,837     10 827      163    31 556
20 Czechia   1,034,990       4 806        97    17 280
21 Netherlands   1,005,760       3 934           48     14 403

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS