Booliska oo sheegay inuu u diyaargaroobayo sidii looga hortagi lahaa dagaal kooxeed dhallinyarada dhexdooda ah oo laga yaabo in uu ka dhaco degmada Espoo

Sawirka waxaa la qaaday Maalinta Booliska Finland, dhacdadana lama xiriiro. Xuquuqda: SSMV

Axad 4.12.2023.  Booliska  Galbeedka Uusimaa ayaa shaaca ka qaaday inuu helay warbixinno tilmaamaya, inuu jiro iska horimaad qorshaysan oo laga yaabo in uu dhallinyarada kudhex maro illaa iyo galabnimada Axadda 4.12.2021 agagaarka xaafadda leppävaara ee degmada Espoo. Boolisku waxaa ay sheegeen in ay u diyaar-garoobayaan ka hortagga arrinkaan dagaalka ah, iyagoo ilaalo xoog leh ka qaban doona goobaha ay dhallinyaradu isugu yimaadaan.

Sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Hannu Väänänen oo u warramayay warbahinta ayaa sheegtay in arrinka laga cabsi qabaa uu yahay dagaal kooxeed dhallinyarada dhexdooda ah, waxaana sida sarkaalku sheegay warkaas ay ka heleen dhallinyarada dhexdooda, oo qaar ka mid ah booliska la soo xiriiray.

Sida sarkaalku sheegay wali lama hayo wax xaqiiq ah oo la hubo oo ku saabsan da’da dhallinyarada laga hadlaayo iyo tirada kooxaha dagaalku ka dhexeeyo, laakiin waxaa uu sarkaalku caddeeyay in ay yihiin dhallinyarada ku jira dugsiyada dhexe ee da’doodu tahay 15-sano, waxaa kaloo sarkaalku sheegay in ay suuraggal tahay in kuwo da’daas ka waawayn ay qayb ka yihiin dagaalka.

Sarkaalku waxaa uu intaas raaciyay, in aan wali la hubin in dagaalkaas u dhexeeya dhallinyarada uu yahay mid gacanta la isu adeegsan doono iyo in ay dhallinyaradu yihiin kuwo ku hubaysan qalabka kala duwan ee loo adeegsado dagaalka, hase yeeshee buu yiri sarkaalku wax walba waan u diyaargaroobaynaa.  Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri ”waxaa arrin aad looga xumaado ah in waayadan dambe ay dhallinyardu noqdeen kuwo hubaysan oo sita mindiyo iyo baangado intaba”.

Sarkaalka Booliska ka tirsan ee lagu magacaabo Väänänen wuxuu sheegay, in arrinka welwelka leh uu yahay in dhallinyarada qaar ka mid ah in inta badan isku dayaan in dhibaatooyinka dhexdooda ah lagu xalliyo qaab dagaal ah.  Waxaase uu si aad ah ugu mahadceliyay dhallinyarada qaarkood oo hadda fahmay inaan dagaal waxba lagu xallin karin, arrinkana soo gaarsiiyay booliska.

Waayadan dambe waxaa aad looga hadlaayay dagaallada caadiga ka noqday dhallinyarada dhexdooda, iyadoo arrinkaasna uusan ahayn mid ku cusub degmada Espoo.

Dagaallada dhallinyarada dhexdooda ah iyo in ay haatan jirto khatarta ah in ay ku hubaysan yihiin noocyada kala duwan ee hubka wax lagu dilo ayaa ah arrin baryahaan dambe ay warbaahinta dalkaan aad u hadal haysay, iyadoo muddo ka horna xukun aad u adag oo xabsi muddo 10-eeyo ku dhow lagu riday dhallinyaro kala duwan. Dhanka kalena waxaa caadi ah in marka ay doorashooyinka baarlamaanka ee dalkaan soo dhow yihiin uu arrinka dhallinyarada iyo rabshadaha ay sameeyaan noqdo qodob aad u shidan oo ka dhex muuqda saaxadda siyaasadda.

Si kasta oo ay ahaataba waxaa walidiinta la gudboon in ay la socdaan oo isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa ilmahooda iyo meesha ay marayaan, gaar ahana marka ay soo baxaan digniinaha noocan oo kale ah oo la dhayalsan, si looga baaqsado dagaal keena dhibaato ay adag tahay in laga soo kabto, kaasoo keena dhimasho iyo aano dagaal oo galaafata nafta dhallinyaro badan.

Wixii macluumaad ah ee la xiriira arrinkan fadlan halagu hagaajiyo emailka booliska ee ah: vihjeet.lansi-uusimaa@poliisi.fi.

Xigasho Warbaahinta MTV3 iyo Booliska

WT: Abdirisak Sugulle