16 qof oo megengelyo doon ah oo dowladda Finland dib-u-dejin u sameysay

Dowladda Finland ayaa 16 qof oo megelyo doon ah oo laga keenay xerada qaxootiga ee dalka Qubrus dib-u-dejin ugu sameysay dalka Finland, sida ay hay’adda Socdaalka Finland ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka.

Dadkan dib-u-dejinta loo sameeyay ayaa waxaa ka mid ah 5 qoys oo hal waalid uu la socdo, iyadoo barnaamijkan qeyb ka yahay ballanqaad ay horey dowladda u sameysay oo ahaa in 175 qofood oo megengelyo doon ah ay dib-u-dejin ugu sameyn doonto dalka Finland bilaha soo socdo.

“Waxa ay isugu jiraan gabdho iyo wiilal caruur ah” sida ay sheegtay u qeybsanaha mashruuca hay’adda Socdaalka Finland Monna Airiainen oo u waramaysay warbaahinta Qaranka YLE., iyadoo intaa ku dartay in kooxdan loogu soo duuliyay dalka Finland duulimaadyo gooreysan, ayna si nabad ah ku yimideen, iyagoo la geeyay xarun dowladdu maamusho oo ku taala Joutseno.

Dadkan megengelyo doonka ah ayaa laga baaray xanuunka COVID19 ka hor inta aanay la soo qaadin, dhamaantoodna lagama helin cudurka, balse waxaa lagu heyn doonaa xarumo Karantiil muddo labo todobaad, taxadar ahaan.

Kooxda Xigta ee Megengelyo doonka oo Todobaadka soo socda la keeni doono:
Bishii Febraayo ee sanadkan ayay ahayd markii hay’adda Socdaalka dalka Finland ku dhawaaqday go’aan ay ku soo keeneyso 175 qof oo megengelyo doon ah kuwaas oo laga soo qaadi doono xeryo qaxooti oo ku yaala Badda Midatareeniyanka iyadoo 100 ka mid ah laga keeni doono dalka Giriigga, 26 Jasiiradda Malta iyo 30 laga keeni doono Qubrus.
Kooxdii ugu hroeysay oo ka koobneyd 24 cunug oo aan waalid wehlin ayaa laga soo qaaday dalka Giriigga horraantii bisha Luulyo ee sanadkan.

Dadka megengelyo doonka ah ee Finland la keeni doono ayaa imaanaya toddobaadka soo socda, iyadoo 25 ka mid ah la geyn doono guri ku yaala magaalada Espoo oo muddo 2 toddobaad ah lagu heyn doono karantiil ahaan, wallow waqtiga saxda ah aan la sheegin sababo la xiriira amnigooda.

Qarashka safarka ee dadka megengelyo doonka waxaa bixinaya Midowga Yurub, waxaana ku baxaya adduun dhan 12 Milyan oo Yuuro.
In ka badan 5000 oo ah ilmo aan qaar gaar ahayn ayaa ku nool xeryaha Giriigga, balse barnaamijka dib-u-dejintooda waxaa hakad geliyay cudurka saf-marka ahaa ee Koronfeyrus.

Isha Warka: Yle
Xuquuqda Sawirka: Kostas Tsironis / EPA