Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland (Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 4.7.2020- Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7248. Isbeddelku wuxuu ku saleysan yahay la socosho 7 maalmood ah, waxaana todobadaas maalmood ku korortay 50.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 20 qofood halka qaybta gargaarka degegga ahna aanay hadda cidna ku jirin. Isbeddelku wuxuu ku saleysan yahay la socosho 7 maalmood.

Illaa iyo hadda waxaa dalka Finland laga diiwaangeliyay 329 qofood oo fayruska Korona u geeriyootay. Tiradan 1 kiis oo kaliya ayaa ku kordhay muddo 7 maalmood ah.

Xigasho: YLE/THL