Ma ogtahay in la joojiyay sharcigii qasabka ka dhigay in xilliga barafka wakhti cayiman lagu beddelo lugaha baabuurta?

Photo : HutchRock /Pixabay Pixabay License Free for commercial use No attribution required

Kaddib markii uu sannadkii hore ee 2020 dhaqangalay isbeddel lagu sameeyay sharcigii xeerinayay xilliga kama dambaysta ah ee ay tahay in baabuurta lagu xiro lugaha xilliga barafka la isticmaalo ayaa waxaa aad u yaraaday baabuurta xilligan ay bisha Nofembar dhammaadka tahay ku socda lugaha barafka.

Sharcigi hore ee isbeddelka lagu sameeyay ayaa wuxuu dhigayay in lugaha barafka la isticmaalo billowga bisha Disembar illaa iyo dhammaadka bisha Febraayo. Hadda waxaa xorriyad la siiyay darawallada baabuurta waxayna lugaha barafka isticmaali karaa haddii ay cimilado qasabto billowga Disembar illaa iyo dhammaadka Maarso.

Shirkadaha caymiska geliya gaadiidka waddooyinka ayaa waxay sheegayaan in, inkastoo uu qofku dib u dhigan karo wakhtiga uu lugaha barafka baabuurka ku xiranayo ay taasi u keeni karto in uu waayo ama lumiyo xaqa uu u yeelan lahaa qaandhowga shilalka, waa haddii uu shil galo iyadoo aanu baabuurku ku socon lugaha barafka loogu talaggalaye.

Si kastaba ha ahaatee, waxay shirkadaha bixiya adeegyada caymiska gaadiidku ku talinayaan in gaadiidleydu ay si weyn uga fiirsadaan lugaha ay baabuurtooda ku wadayaan iyo xilliga ay ku wadayaan.

Isha wararka: Warbaahinta danabka ah ee YLE