Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland

Novel Coronvirus Update. Photo: WHO

(Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

9.6.2020, 19.44 saac (Wakhtiga Helsinki) Finland
Guud ahaan dalka Finland lagama diiwaangelin wax kiis ah oo cusub.

Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay maanta waa 7025.
Tiradii shalay waxaa ku korortay 24 kiis.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 24 (8 kiis ayeey tiradii shalay hoos uga dhacday) qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jiraan 4 qofood (2 kiis ayeey tiradii shalay hoos uga dhacday).

Illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay 324 qofood (1 kiis ayaa tiradii shalay ku kordhay) oo fayruska Korona u geeriyootay.

Hay’adda Caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) waxay sheegtay in kiisaska Korona ee ugu badan laga helay Helsinki marka la barbardhigo magaalooyinka kale waxaana magalaada deggan 2677 (16 kiis ayaa tiradii shalay ku korortay) qofood oo laga helay fayruska Korona.

Xigasho: YLE/THL