Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Axad 1.11.2020 laga helay feyruska korona 178 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 16 291 qof.

Illaa iyo 34 magaalo oo ka mid ah dalkaan ayaa laga helay feyruska. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waa magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay isu darka guud 123 qof, gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 18qof ah iyo Kymenlaakso 10 qof ah.

Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (45 qof), Espoo (38 Qof), Vantaa (22 qof),Oulu (10 qof), Kouvola (10 qof),  Kuopio (5qof),Turku (4 qof)

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 48 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 10 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Hay’adda THL waxaa ay sheegtaty in afar qof oo cusub ay u dhinteen feyruska, Tirada guud ee dhimashada waxaa ay maraysaa 358 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

19 470 305 46 161 078
 

Tirada u dhimatay feyruska

      509 177   1 196 783
 

Tirada ka bogsatay

  7 529 791 30 891 972

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 9,40 milyan 86 293    914 236 072
2 Hindiya 8,11 milyan 46 715    468 122 149
3 Baraaziil 5,53 milyan 16 077    340 159 902
4 Ruushka 1,61  milyan 18 140    334    27 990
5 Faransiiska 1,36 milyan 35 641    323    36 788
6 Spain 1,26 milyan 25 595    239    35 878
7 Arjantiin 1,16 milyan   9 745    210    31 002
8 Kolombiya 1,07 milyan 11 033    179    31 314
9 Ingiriiska 1,01 milyan 21 915    326    46 555

Xigasho :Yle, Worldmeters.info