Wararkii ugu dambeeyay ee feyruska korona iyo Finland

28 qof oo hor leh ayaa feyruska laga helay dalkan Finland

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee THL waxaa maanta la xaqiijiyay 28 qof oo cusub oo laga helay feyruska korona. Tirada guud ee dalkaan Finland laga helay feyruska waxaa ay noqoneysaa 8077 qof.

Dadka cusub ee laga helay feyruska waxaa ay ku nool yihiin magaalooyinka hos ku qoran (waxaa ka maqan magaalooyinka ay tan iyo bilowgii xanuunka safmarka ah tirada daka laga helay feyruska ka hooseyso shan qof)

Vantaa: 969 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 6 qof)

Kuhmo: 16 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 6 qof)

Helsinki: 2 950 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 6 qof)

Jyväskylä: 128 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 3 qof)

Espoo: 969 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 2 qof)

Lohja: 58 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 1 qof)

Raahe: 9 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 1 qof)

Kerava: 92 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 1 qof)

Alavus: 6 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 1 qof)

Kuopio: 63 qof (tiradii shalay waxaa ku kordhay 1 qof)

Magaalada Kuhomo oo soo saartay xadayn cusub oo looga hortagaayo Feyruska Korona

Magaalada Kuhmo ayaa soo saartay hawlo xadeyn cusub ah oo looga hortagaayo xaaladihii faafista feyruska korona ee dhawaantaan ka dilaacay magaaladaas. Maalinkii Jimcihii oo ay dhacday u nuglaan aad u ballaaran oo feyruska korona ah, ayaa illaa iyo haatan waxaa la helay 14 qof oo qaaday feyruska iyo 130 u nuglaatay.

Warbixin ay soo saartay magaalada Kuhmo waxaa lagu sheegay, in dhammaanba munaasbadihii kala duwanaa ee ay magaaladu qabanqaabinaysay la baajiyay, ardayda darajada herka labaad (wixii ka sarreeya waxbarashada hoose-dhexe) waxaa ay ku dhigan doonaan dhanka internetka, maqaaxiyahana waxaa loo soo jeedinayaa in ay qaataan nidaamka dadka lagu kala xadidaayay. Xadayntaan cusub waxaa ay socon doontaa ilaa iyo 6-da bisha Septembar.