Wararkii ugu dambeeyay ee feyruska korona ee caalmka oo kooban

Axad 27.6 2021.. Dhakhtar sare oo ka tirsan magaalada Helsinki Timo Lukkarinen ayaa sheegay in illaa iyo maalinkii shalay ahayd ee Sabtida 26.6, dadkii ka soo noqday ciyaarihii koobka Yurub ee kubadda cagta ee lagu qabtay magaalada Pietari ee dalka Ruushka laga helay feyruska korona tiro gaaraysa 140 qof.

Dhakhtarku waxaa uu sheegay in laga cabsi qabo in tiradu ay intaas ka sii badato, islamarkaana feyrusku uu ku dhexfaafo dadka kale ee aan iyagu u safrin magaaladaas ciyaaraha kubadda cagta lagu qabanaayay.

Hay’adda THL ayaa shalay sheegtay in feyruska laga keenay magaalada Pietari uu haatan dhex wareegaayo magaalooyinka dalka Finland oo dhan.

Tirada dhimashada feyruska Korona ee magaalada Moscow oo aad u korortay

Maanta oo Axad ah 27.6 wararka ka imaanaaya magaalada Moscow waxaa ay shaaca ka qaadayaan in ay feyruska korona u dhinteen 114 qof. Waana tiradii ugu badnayd oo hal maalin ku dhinta magaalada Moscow.

Dhinaca kale tirada faafista feyruska korona ee dalka Ruushka ayaa markale cirka isku shareertay, waxaana maanta oo Axad ah la sheegay in laga helay feyruska korona 20 000 oo qof.

Ingiriiska oo mar kale faafista feyruska korona ay kor u sii kacayso

Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska waxaa ay shaaca ka qaadeen in Sabtidii 26.6 laga halay dalka Ingiriiska in ka badan 18 000 oo qof oo qaba feyruska korona, waana tiradii ugu badnayd ee laga helo feyruska korona dalkaa Ingiriiska muddo shan bilood ah.

Dhinaca tallaalka ayaa dalkaas Ingiriiska uu si fiican uga socda, waxaana illaa iyo haatan helay tallaalkii koowaad 83 % dadka ingiriiska, halka 62% ay qaateen labada tallaalba.

Wasiirkii Caafimaadka ee dalka Ingiriiska oo iska casilay jagadiii uu hayay

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingriiska Matt Hancok ayaa iska casilay xilkii wasaaradda, kaddib markii ay ku soo baxday fadeexad la xiriirta in uu jabiyay nidaamkii looga hortagaayay faafista feyryska korona, ee uu isagu garwadeenka ka ahaa, islamarkaana uu dadka had iyo goor u sheegaayay in ay u hooggaansamaan.

Fadeexaddan galaafatay wasiirka caafimaadka ayaa dhacday horraantii bishii shanaad ee la soo dhaafay, kaddib markii la helay fiidiyoow laga helay kaameerooyinka dhanka ammaanka oo la arkaayay, in isaga iyo gabadha xoghaynta u ah ay si waalan isu baasheeyeen, islamarkaana uu laabta laabta u saaray.

Fadeexaddaas markii ay soo baxday ayaa xisbiga mucaaradku waxaa ay dalbadeen in Mat Hancok uu jagada iska casilo, maadaama uu jabiyay sharciyadii ay wasaaraddiisu garwadeenka ka ahayd.

Ugu dambayntiina wasiirku waa uu qirtay khaladkaas ka dhacay, wuxuuna u hoggaansamay codsigii mucaaradka ee ahaa in uu jagada ka dego.

Waxaa haatan booskii wasaaradda caafimaadka loo dhiibay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Sajid Javid, kaasoo asalkiisu ka soo jeedo dalka Pakistan, hase yeeshee ka tirsan jiilka labaad ee ku dhashay kuna koray dalkaas Ingiriiska.