Finland waxaa laga helay maanta 469 xaaladood oo feyruska korona ah

Sabti 30.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 469 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 44 871 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 59 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 234 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 42 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo  34 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 97 qof, Vantaa: 54 qof , Espoo: 43 qof, Tampere 31 qof, Jyväskylä: 28 qof, Turku: 19 qof, Oulu: 11 qof, Lahti: 11 qof, Järvenpää: 9 qof, Pori: 8 qof, Seinäjoki iyo Savonlinna: min 7 qof ah, Magaalooyinka kala ah Rauma, Kerava iyo Vaasa : min 6 qof ah. Magaalooyinka Tornio, Kotka, Kauhava: oo min 5 qof ah, sidoo kale magaalooyinka Raiso, Närpiö, Lohja, Vöyri, Mäntsälä, iyo Porvoo oo min 4 qof ah, Magaalooyinka Kaarina, Kajaani, Uusikaarlepyy, Karkkila, Kolari, Naantali, Laukkaa, Kuopio, Rovaniemi, Hyvinkää iyo Loppi oo min 3 qof ah. Magaalooyinka Nokia, Tammela, Laitila, Hämeenlinna, Jämijärvi, Vihti, Orimattila, Nurmijärvi, kirkkonummi iyo Akaa oo min 2 qof ah. Inta kale ee soo harray ee magaalooyinkana waa min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 671 qof.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 144 520 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     33 126 989    102 736 747
         731 086       2 218 558

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 26,5 milyan  169 033    3 652  447 459
2 Hindiya 10,7 milyan   13 055       137  154 184
3 Baraaziil 9,11 milyan    58 691     1 099  222 775
4 Ruushka 3,81 milyan    19 238        534   72 185
5 Ingiriiska 3,77 milyan    29 079     1 245  104 371
6 Faransiiska 3,15 milyan    22 858        510    75 620
7 Isbeyn 2,83 milyan    38 188        513    58 319
8 Talyaaniga 2,52 milyan    13 574        477    87 858
9 Turkey 2,46 milyan      6 912        131    25 736
10 Jarmalka 2,20 milyan    12 799        832    57 052
11 Kolombiya 2,07 milyan    10 058        371    53 284
12 Arjantiin 1,91 milyan      9 838        174    47 775
13 Meksiko 1,82 milyan    18 670     1 506  155 145
14 Poland 1,50 milyan      6 144        335    36 779
15 K/afrika 1,44 milyan      6 141        528    43 633
16 Iiraan 1,40 milyan      6 573          71    57 807
17 Ukriane 1,21 milyan      5 181        128    22 479
18 Peru 1,12 milyan      6 190        202    40 686
19 Indonesia 1,05 milyan    13 802        187    29 518

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS