Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 220 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Talaada 10.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 220 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 18 107 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista cudurku ka dhacay waa sidatan soo socota: Helsinki: 63, Vantaa:26 qof, Espoo: 20 qof, Turku: 16 qof, Tampere: 12 qof, Sodankylä: 8 qof, Jyväskylä: 6 qof,  Uusikaarlepyy 6 qof, Luoto: 5 qof

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 73 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 13 qof oo ka mi d ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Waxaa ku soo kordhay tiradii hore 18 qof oo hor leh. Hay’adda THL waxaa ay maanta sheegtay in hal qof ooh or leh u u dhintay dalkaan Finland feyruska korona, taasoo tirada guud ee dadka u dhintay feyruska ka dhigeysa 363 qof.

Xaaladda faafista feyruska ee HUS iyo nawaaxigeeda oo gacanta ku jirta, inkasta oo faafista feyrusku ay maalin walba sii kordheyso

 Waaxda caafimaadka ee Helsinki, Uusimaa iyo agagaarkooda ayaa toddobaad walba waxaa feyruska korona laga helaa 700-800 oo hor leh. Inkasta oo xaaladda faafistu ay aad u sarreyso, haddana howlaha wax lagaga qabanaayo ka hortagga feyruska ayaa ah wali kuwa gacanta ku jira oo aan faraha ka bixin, sidaasna waxaa sheegay dhakhtarka sare ee Marku Mäkijärvi oo ka tirsan waaxda caafimaadka ee HUS.

Saamiyaadii baaritaanka ee laga qaaday dadka deggan Helsinki iyo Uusimaa ayaa 3% waxaa ay ahaayeen kuwo poositiif ah oo feyruska laga helay. Saami qaadista ayaa haatan ah mid aad u sahlan oo uu qofku islamarkiiba helaayo, jawaabtana waxaa inta badan lagu helaa afar iyo labaatan saacadood gudahood.

Sida uu sheegay Mäkijärvi xaaladda bukaanka korona ee ku soo batay daryeelka isbitaallada, wali ma aysan gaarin heer ay dhibaato ama saameyn ku keenaan shaqooyinkii caadiga ahaa ee isbitaallada. Agagaarka waaxda caafimaadka HUS, waxaa haatan isbitaallada ku jira in ka badan 20 bukaanka feyruska korona la xanuunsan.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

12 432 020 50 913 976
 

Tirada u dhimatay feyruska

297 270 1 262 373

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 10.4 milyan 125 759      642 244 449
2 Hindiya 8,59  milyan    37 211      451 127 104
3 Baraaziil 5,67 milyan    11 651      241 162 638
4 Faransiiska 1,80  milyan    20 155      548    40 987
5 Ruushka 1,79 milyan    21 798      256    30 793
6 Spain 1,42  milyan    18 340      170    39345
7 Arjantiin 1,25 milyan       8 137      347    33 907
8 Ingiriiska 1,21 milyan     21 350      194    49 328
9 Kolombiya 1,14 milyan        5 176      183    32 974

Xigasho: YLE, HS,Worldmeters.info