Finland waxaa laga helay 56 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo xaaladda Finland oo lagu tilmaamay in ay deggan tahay

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta 56 qof oo cusub oo qaba feyruska korona laga helay Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8142 qof.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dadka laga helay feyruska korona ayaa 73 goor ka badan tii laga helay labadii toddobaad ee ka sii horreysay.

Sida ay THL sheegtay faafista cusub ee feyruska korona 12 ka mid ah waxaa laga helay Helsinki, 9 qofna Espoo iyo 8 qof oo Turku ah. Shan qof waxaa laga helay Vantaa, Jyväskylä iyo Kuhmo.

Sidoo kale hay’adda THL ayaa sheegtay Isniintii 31.8 in hal qof oo hor leh uu dalkan Finland u dhintay cudurka feyruska korona awgiis. Waxaana tirada guud ee dhimashada feyruska ay ka dhigaysaa tan iyo markii cudurku bilowday 336 qof.

Daryeelka isbitaalka waxaa ku jira 10 of, kuwaasoo qof ka mid ah uu ku jiro qaybta xaaladda degdegga ah.

Sida ay sheegtay hay’adda THL xaaladda Finland ee xilligaan waa mid aad u wanaagsan, kamana jirto wax lagu tilmaami karo cudur safmar ah. Cilmibaare ka tirsan hay’adda THL islamarkaana ah madaxa waaxda ammaanka caafimaadka Mika Salminen, ayaa sheegay in kasta oo xaalad ballaaran oo feyruska ah ay ka jirto Finland, haddana cadadka la helayaa waa mid macquul ah oo aad u yar.

Xarunta la socodka iyo ka hortagga cudurrada faafa ee Yurub waxaa ay sheegtay in Finland iyo Latviya ay xaaladdooda feyruska korona ka wanaagsan tahay tan dadlalka kale.

Sidoo kale dhakhtar sare ee ka tirsan qaybta infekshanka ee waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee gobolka Lapi  Markki Broas ayaa isna saaka barnaamijka subax wanaagsan ee telefishinka Yle ka sheegay , in sida guud ahaaneed aysan haatan Finland ka jirin xaalad lagu tilmaami karo mid safmar ah. Cudurka waxaa safmar lagu tilmaami karaa  marka tirada dadka laga helayaa ay xilli walba kor u sii kordheyso, oo todoodbaad walba kan ka dambeeyana ay tiradu kor u sii kaceyso.

Mar wax laga weydiiyay tirada 56-da qof oo cusub oo maanta laga helay feyruska, waxaa Salminen uu  sheegay, in talaadada tirada la soo gudbiyo ay ku jiraan saamiyadii la qaaday wiikendhigii.

Ablikeeshinkii cusbaa ee koronavilkku oo ay soo dejisteen dad gaaraya hal milyan oo qof

Ablikeeshinka cusub ee loogu talaggalay in uu fududeeyo raadraaca u nuglaanta feyruska korona ayaa sida ay hay’adda THL sheegtay waxaa soo degsaday dad gaaraya hal milyan oo qof.

Asalkii hore hadafka la tiigsanayay wuxuu ahaa rikoorka ah in soo degsashada ablikeeshinkaee tirada halka milyan oo goor la jabiyo bisha September dhammaadkeeda, laakiin ablikeeshinku wuxuu rikoorkaas ku jebiyay afar iyo labaatan saac gudahood. Sida ay THL sheegtay waxaa rikoorka halka milyan la jabiyay Talaadadii saacaddu markii ay ahayd 8-da fiidnimo.

Magaalada Jyväskylä oo dad badan la geliyay karantiil

Magaalada Jyväskylä waxaa maata oo Talaada ah laga helay feyruska korona 8 qof oo cusub oo feyruska sida.  Waxaana sida hawlwadeennada arrimaha caafimaadku ay sheegeen karantiil la geliyay dad gaaraya 140 oo iyagu u nuglaaday qaadista feyruska.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona Isniintii iyo Talaadadii ayaa gaareysa 19 qof, waxaana dadka karantiilka la geliyay ay gaarayaan 400 oo qof.

Hay’adda Caafimaadka addunka WHO oo diginin soo saartay

Hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa uga digtay dalalka doonaya in ay dib u firaan goobihii dhaqaalaha iyo kulammadii waaweynaa in ay aad u taxaddaraan, islamarkaana aysan u dhaqmin sidii iyadoo cuurkan safmarka ah ee feyruska korona uu dhammaaday oo kale.

Madaxa hay’adda Caafimaadka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu yiri ” 8 bilood oo uu caalamka fara ba’an ku hayay feyruskan korona kaddib, waan fahmi karnaa quusta iyo dhibaatada la soo deristay dadka noloshooda, iyo in ay doonayaan in hore looga gudbo dhibkaan, laakiin ayuu yiri waa in tallaabo kasta oo horey loo qaadaaya ay noqoto mid laga fiirsaday oo si amaan leh loo fuliyay, isagoo ka digay in waaqica dhabta ah uu yahay in feyruska korona uu ku faafayo si sahlan.”

Sida ay xaqiijinayaan tirakoobyada caalamka oo dhan laga soo uruuriyay, waxaa cudurkan safmarka ah tan iyo markii uu caalamka ka dillaacay, ay tirada guud ee dadka uu addunka oo dhan uu ku dhacay gaareysaa qiyaastii 25.6 milyan oo qof, waxaana u dhintay in ka badan 852 kun oo qof, iyadoo ay ka bogsadeen tiro gaareysa 17 milyan 824 qof.

Dalka Ruushka oo in kabadan hal milyan oo qof  laga helay feyruska korona

Sida ay sheegeen hawlwadeennada wasaarada caafimaadka ee dalka Ruushka waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhafay laga helay dalkaas 4 279 qof oo cusub oo qaba feyruska korona. Taasi waxaa ay ka dhigan tahay in dalka Ruushka uu kor u dhaafay tiradii halka Malyan, iyadoo tirada guud ee feyruska laga helay ay haatan gaarayso 1 milyan iyo 48 qof. Waana dalka Afaraad ee ugu badan dalalka laga helay feyrusk korona, waxaana uu ku xigaa dalalka Maraykanka, Baraaziil iyo Hindiya.

Dalka ruushka ayaa hore u sheegay in uu soo saaray tallaal looga hortagaayo feyruska korona, ayna haatan ku tijaabiyeen dad tiradoodu gaarayso 40 000 oo qof, hase yeeshee waddamada reer galbeedka ayaa shaki badan ka muujiyay aaminaadda tallaalkaas.

Dalka Hungary oo xirey xuduudkiisa, laakiin dalxiisayaasha waddamada deriska la ah sidii hore ayay u soo gali karaan dalka

Dalka Hungary ayaa laga bilaabo habeennimaddii Talaadada 1.9 wuxuu dadka ajaanibta ah ka xirey dhammaanba xuduudaha dalka.

Hase yeshee dalxiisayaasha dalalka Check, Islovaakiya iyo Poland waxaa iyaga si gaar ah loogu oggolaaday in ay sidii caadiga ahayd u soo gali garaan dalka, haddii baaritaanka saamiga feyruska korona eel aga qaaday uu yahay mid negtiif ah (aan cudurka laga helin) muddo shan maalmood ka ka yar soo gelitaankooda dalka, ayna safarkooda qabsadeen bisha sebtember.

Go’aanka ku saabsan dhanka dalxiisayaasha Check waxaa uu isbeddelay kaddib markii Isniintii  uu ra’iisul wasaaraha dalka Check Andrej Babiš uu arrinkaan kala hadlay dhiggiisa dalka Hungary Viktor Orbánin. Goor dambe ayaa sidoo kale waxaa go’aankaas oggolaanshaha gaarka ah lagu daray dalxiisayaasha Isloovaakiya iyo Poland.

Dalka Isbeyn in ka badan 23 kun oo qof ayaa laga helay feyruska korona muddo dhowr maalmood gudahood ah

Wasaaradda caafimaadka ee Isbeyn ayaa sheegtay in illaa iyo Jimcihii la so dhaafay laga helay feyruska korona dad hor leh oo tiradoodu kor u dhaafayso 23 000 oo qof.

Tan iyo intii cudurkaa safmarka ah uu ka dillaacay Isbeyn waxa uu ku dhacay dad tiradoodu gaarayso 462 858 qof, waxaana u dhintay feyruska 29 094 qof.

Dalka Sucuudiga

 Wasaaradda caafimaadka ee sucuudiga ayaa sheegtay in maanta oo Talaada ah ay u dhinteen feyruska 32 qof, taasoo tirada guud ee dadka u dhintay feyruska ka dhigeysa 3929 qof.

Sida wasaaraddu sheegtay waxaa maanta laga helay feyruska 898 qof oo hor leh, taasoo tirada guud ee laga helay ka dhigeysa 316 670 qof.

Dalka Kuweyt

 Waxaa maanta u dhintay 3 qof, tirada guud ee dhimashada waa 534 qof.

Waxaa laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 702 qof oo hor leh, tirada guud ee dadka laga helayna waa 85 811 qof. Waxaana sida wasaaradda caafimaadku ay sheegtay ka bogsooday cudurka tiro gaaraysa 77 kun 657 qof.

Falastiin

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in maanta laga helay feyruska 552 qof oo hor leh, iyadoo 7 qofna ay u dhinteen.

Israa’iil

 Sida ay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska dad hor leh oo gaaraya 2159 qof. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska tan iyo markii cudurkan safmarka ah caalamka ka dillacay ayaa gaareysa in  kabadan 117 kun , waxaaa u dhintay 939 qof.

Ingiriiska

 Tirada dadka uu ku dhacay feyruska korona ee dalka UK ayaa gaartay 338 kun iyo 83 qof, waxaana sida tirakoobyadu sheegayaan u dhintay 41 kun 589 qof, waxaana ka bogsooday illaa iyo haatan 1682 qof.

Faransiiska

Tirada dadka uu ku dhacay feyruska korona ee dalka Faransiiska ayaa gaartay 318 kun iyo 986 qof, waxaana sida tirakoobyadu sheegayaan u dhintay 30 kun 640 qof, waxaana ka bogsooday illaa iyo haatan 86 kun 790 qof.

Jarmalka

 Tirada dadka uu ku dhacay feyruska korona ee dalka Jarmalka ayaa gaartay 802 kun iyo 244 qof, waxaana sida tirakoobyadu sheegayaan u dhintay 9303 qof, waxaana ka bogsooday illaa iyo haatan 216 kun 795 qof.

Talyaaniga

 Tirada dadka uu ku dhacay feyruska korona ee dalka UK ayaa gaartay 269 kun iyo 214 qof, waxaana sida tirakoobyadu sheegayaan u dhintay 35 kun 483 qof, waxaana ka bogsooday illaa iyo haatan 208 kun 536 qof.

Holland

 Tirada dadka uu ku dhacay feyruska korona ee dalka UK ayaa gaartay 73 kun iyo 232 qof, waxaana sida tirakoobyadu sheegayaan u dhintay 6252 qof, waxaana ka bogsooday illaa iyo haatan 1010 qof.

Isha warka: Yle / Aljazeera