Xaaladda guud ee Korona iyo Finland (465 xaaladood oo feyruska ah iyo 14 dhimasho cusub ah)

114
Kooxda iskudduwidda arrimaha korona ee caasimadda iyo hareeraheeda oo soo saaray xadaymo cusub. Sawirka: Mohamed Ibrahim/Suomen Somali Media

(Warkaan waxaa la cusboonaysiiyay Isniin 15.03, saacadda 13.50)

Tirada dadka laga qaaday saamiga baarista korona 3 596 500 (+ 23 700)
Tirada laga helay feyruska 67 344 (+ 2019)

·       Sabti 13.3 waxaa laga helay 691 qof

·       Axad 14.3 waxaa laga helay 863 qof

·       Isniin 15.3 waxaa laga helay 465 qof

 

Tirada daryeelka isbitaalllada jaamacadda        147 (+19)
Tirada daryeelka isbitaalllada xarumaha caafimaadka        77 (-12)
Qaybta gargaarka degdegga ah        50 (+3)
Tirada dhimashada      800(+14)
Feyruska nooca cusub 1 736 feyruska cusub ah, nooca ingiriiska oo 1 633 xaaladood ah, iyo 102 ah nooca laga helay K/afrika iyo 1 nooca Baraaziil ah
Tirada dadka la tallaalay   Qiyaastii 597 471 qof (15.03).

Xigasho: THL