Wararka Finland ee Koronaha iyo maanta

Finland waxaa laga helay 25 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimce 4.9.2020 laga helay feyruska korona 25 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8225 qof.

Jaamacadda Tampere oo 7 qof laga helay feyruska korona

Jaamacadda Tampere waxaa laga helay 7 qof oo qaba feyruska korona, dadka u nuglaadayna waxaa ay gaarayaan 70 qof.

Iskuulka hoose dhexe ee Kannelmäki oo laga helay faafista feyruska korona

Iskuulka hoose dhexe ee Kannelmäki ayaa laga helay feyruska korona, sida ay sheegtay magaalada Helsinki.

Feyruska waxaa u nuglaaday 118 arday iyo 21 ka tirsam shaqaalaha iskuulka.

Sida ay sheegtay magaalada Helsinki laga bilaabo Isniinta 7.9 iskuulku waxaa howlihiisa loo wareejin doonaa qaab waxbarashadeed aan caadi ahayn, taasoo ah in qayb ka mid ah ardeyda iskuulka ay iyagoo gurigooda jooga dhanka internetka wax ku baran doonaan. Qaar ka mid ah ardeyda fasallada 5-9 aad-na waxaa ay toddobaadka 37-aad u dhigan doonaan qaab ah in qoloba mar ay doorkeeda qaadato, oo marna ay iskuulka imaanayaan marna ay guriga dhanka internetka ku dhiganayaan.

Jadwalkaan aan caadiga ahayn wuxuu khuseeyaa qeybta waxbarashada ee ku taalla wadada Runonlaulajatie.

Inta ugu badan ardaydana waxaa ay waxbarashadu uga sii ssocon doontaa sidii caadiga aheyd iskuulka.