Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 149 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Axad 11.10.2020 laga helay feyruska korona 149 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 11 998 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista aadka ah ay ka jirto waa magaalooyinka Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 107 qof oo cusub oo hor leh (Helsinki 64, Espoo 17 iyo Vantaa 16) iyo Vaasa oo laga helay 8 qof oo cusub.

Hay’adda THL waxaa ay isniinta soo gudbin doontaa tirada rasmiga ah ee feyruska awgiis daryeelka isbitaalka ugu jirta iyo wixii dhimasho cusub ah ee uu feyrusku sababay.

Jyväskylä oo ku dhowaad tiro gaareysa 700 oo qof la geliyay karantiil iyo 50 qof oo feyruska laga helay

Dhakhtarka u qaabilsan magaalada Jyväskylä cudurrada faafa Ilkka Käsmä ayaa sheegay in tiro qiyaastii ku dhow 700 oo qof oo ku sugan magaalada Jyväskylä la geliyay karantiil. Sida dhakhtarku sheegay waxaa arrinkaas sabab u ahaa xaflad gaar ah oo la dhigay dabayaaqadii bishii September, tasoo ay ka qaybqaateen dad tiradoodu gaareyso 100 qof.

Waxaana dhakhtar Käsmä uu sheegay in dhammaan natiijadii saamigii baaritaanka ee laga qaaday ka qaybgalayaasha xafladdaas ay diyaar noqotay. Waxaana uu sheegay in saddex meeloodoo meel ka mid ah dadkii xafladda ka qaybgalay uu ku dhacay feyruska.

Shalay galabnimadii waxaa lala xiriiray illaa boqol qof oo u nuglaaday feyruska. Waxaana maanta isku dayaynaa ayuu yiri dhakhtarku inaan la xiriirno 200-300 oo kale oo u nuglaaday feyruska, waxaana laga yaabaa in shaqadaas ay illaa berri sii socoto. Waana suurtaggal sida magaaladu sheegtay in tirada karantiilka ay intaas ka sii badato.

Dhakhtarku wuxuu kaloo sheegay in kooxaha dadka ah ee karantiilka la gelinaayo ay ka mid yihiin fasallo badan oo iskuullada magaaladaas ka tirsan, waayo waxaa xafladda joogay dad badan oo leh carruuro ku jira waxbarashada iskuullada.

Xafladdaas oo aheyd mid diini ah, magaalada iyo dhakhaatiirtuba ma naanay sheegin cidda ama ururka dhigay xafladdaasi. Waxaana maamulka magaaladu ay sheegeen in aanay muhiim aheyn in la sheego cidda qabanqaabisay xafladda, ee haatan arrinka muhiimka ah uu yahay in la sameeyo dabaggalka feyruska. Warbaahinta qaarkeed ayaa isku dayay in ay ogaadaan, waxaana ay la xiriireen dhowr kaniisadood iyo masaajidka musliinta ee kaliya ee ku yaalla Jyväskylä, kuwaasoo dhammaantoodba xaqiijiyay in aanay iyagu aheyn cidda qabanqaabisay xafladaas la sheegaayo ee diiniga ah.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in xafladdaasi ay aheyd mid ay qabanqaabisay kaniisad ku taalla Jyväskylä 27.9, taasoo ay dad tiradoodu gaareyso 100 qof ku kulmeen hool aad ciriiri u ahaa, waxaana arrinkaas uu keenay in feyrusku uu si sahal ugu dhex faafo, iyadoo illaa iyo haatan tirada laga helay feyruska ay marayso 50 qof. Waxaa kaloo dhakhaatiirtu ay xaqiijiyeen in goobahaas oo kale ay sahlan tahay in feyrusku ku faafo, maadaama dadku ay is dhex soconayaan, islamarkaan ay wada qaxweynayaan.

Falanqeynta oggolaanshaha shatiga lagu iibin karo tallaalka korona oo la bilaabay

Hay’adda daawada Yurub ee EMA ayaa bilowday falanqeynta oggolaanshaha shatiga lagu iibin karo laba nooc oo ka mid ah tallaalka feyruska korona. Wali ma jirto wax soo dhow oo ah bilaabista tallaalkaas, laakiin dadka khubarada arrinkaa ku ah waxaa ay qiyaasayaan in oggolaanshaha shatiga iibinta ee ugu horreeya la bixin doono dhammaadka sannadkan.

Dhakhtaradda sare Hanna Nohynek oo ka tirsan hay’adda THL ayaa sheegtay in ay suurtaggal tahay in tallalaadaas ay Finland soo gaaraan dhammaadka sannadkan. Laakiin ayay tiri sida xaqiiqda ah waxay u muuqataa in uu arrinkaas dib ugu dhici karo illaa iyo bilowga sannadka soo socda.

Gudiga diyaarinta daawooyinka ee hay’adda EMA ayaa kulmi doona toddobaadka soo socda. Waxaana ay falanqeyn doonaan tallaallada ay horumarinta ku hayeen shirkadda daawada ee AStaraZenecan iyo jaamacadda Oxford, iyo sidoo kale tallaallada ay horumarinta ku wadeen labada shirkadood ee daawooyinka ee kala ah BioNTechin iyo Pfizeri. Waxaana arrimaha tallaalladaas loo falanqeyn doonaa sida ugu dhakhsaha badan.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Dalka Lubnaan

 Wararka ka imaanaya Lubnaan ayaa sheegaya in illaa 170 magaalooyin iyo tuulooyin isugu jira lagu soo rogi doono toddobaadka soo socda hawlagallo aad u adag oo looga hortagaayo feyruska korona, sidaasna waxaa sheegay dowladda dalka Lubnaan.

Dhammaanba magaalooyinkaas iyo tuulooyinkaas waxaa la xiri doonaa xuduudahooda laga bilaabo 6 subaxnimo. Sidoo kale waxaa la xiri doonaa dhammaanba hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka ah. Kaliya waxaa furnaan doona foornooyinka roodhiga iyo farmashiyayaasha. Waxaa kaloo ay dowladdu amar ku bixisay in la xiro baararka iyo kalaabyada waddanka oo dhan illaa iyo amar dambe.

Xaaladda korona ee dalka Lubnaan ayaa xilliyadii la soo dhaafay aad uga soo daraysay. Waddanka Lubnaan waxaa laga diiwaangeliyay tiro gaareysa 53 000 oo qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo tiro gaareysa 455 qof uu u dhintay feyruska awgiis. Waddanku waxaa uu muddo dheer ku jirey dhibaato dhaqaale oo aad u qota dheer, waxaana waddanka dhaqaalihiisa uu hoos si aad ah ugu sii dhacay, kaddib qaraxii aadka u weynaa ee ka dhacay dekedda caasimada Beiruut bishii Agoosto ee aynu soo dhaafnay.

Qaraxaasi waxaa uu khasaare baaxad leh u geystay isbitaallo dhowr ah, waxaana uu sii kordhiyay culeyskii dhanka daryeelka caafimaadka ahaa ee dalka ka jiray.

 Wasiirka caafimaadka ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in hawlagalkaan lagu kala xiraayo magaalooyinka ay tahay fursadii ugu dambeysay ee wax looga qabanaayo dhibaatada feyruska korona ee aadka u sii xumaanaysa.

 Dalka Baraaziil

 Wasaaradda caafimaadka ee dalka Baraaziil ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 150 000 oo qof. Waxaana tirada laga helay feyruska ay kor u dhaaftay 5 milyan.

Dalka Baraaziil oo tirada dakoodu ay gaareyso 212 milyan, ayaa ah waddanka labaad ee addunka ee ugu badan xagga dhimashada. Dalka Maraykanka ayaa kaalinta koowaad kaga jira adduunka xagga dhimashada, waxaana u dhintay feyruska korona 215 000 oo qof.

 Donland Trump oo sheegay in uusan qabin feyruska korona

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay telefinshka Fox News in uusan haatan qabin wax feyruska korona ah. Waxaana arrinkaas sheegay wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.

Trump oo u warramayay telefishinka Fox News ayaa yiri: “Waxaan maray baaritaan aad u sarreeya oo heerkiisuna yahay mid aad u sarreeya, anuguna haatan caafimaadkeygu waa mid heer sare ah”.

Trump waxaa kaloo uu u sheegay telefishinka in jirkiisu haatan uu difaac ka sameystay feyruska korona.

Dhakhtarka madaxweynaha Sean Conley ayaa sheegay maalinnimadii Sabtida in Trump uusan mardambe khatar ku aheyn in uu cudurka ku faafiyo dadka kale. Wuxuuna sheegay in baaritaankii lagu sameeyay uu muujinaayo in jirkiisa aanu ku jirin wax feyruska korona ah oo firfircoon.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa warbixinta dhakhtar Conley ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Trump waxaa ay ku soo qoreen bogga internetka ee aqalka cad. Waxaana warbixintaas uu ku sheegay dhkahtarku, in Trump uu ka baxay go’doomintii la geliyay, islamarkaana wax ka badan afar iyo labaatan saac aanay wax xummad ah qabanin.

Dalka koonfurta Kuuriya

Dhinaca kale iyadoo dalalka caalamka intooda badan ay la daalaa dhacayaan khatarta korona ayaa Kuuriyada koonfured waxaa ay sheegtay maanta in ay bilaabi doonto maalinta Isniinta ah dabcinta xayiraadihii iyo nidaamyadii lagu soo rogay ka hortagga feyruska korona, kaddib markii ay si aad ah hoos ugu dhacday faafista feyruska korona ee tirada dadka laga helyaao cudurka.

Dowlada Kuuiryada koonfured ayaa sheegtay in baararkii dib loo furi doono, islamarkaana howlihii isboortiga dib loo soo celin doono.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa tirada dadka laga helaayo feyruska ee dalkaas waxaa ay ku ekeyd illaa 10 qof maalinkii.

Laakiin dowladdu waxaa ay sheegtay in xayiraadihii aadka u adkaa ee lagu soo rogay gobollada qaarkood sida magaalada caasimadda ah ee Sool oo dad aad u badan ku nool yahay, ay sidoodii u sii jiri doonaan. Waxaana wali dowladdu aanay fasixin kulamada bulshadeed ee dadka aadka u badan isugu imaanayaan sida kulamada diimaha.

Illaa iyo haatan waxaa dalkaa Kuuriyada koonfured laga helay tiro gaareysa 24 606 qof, iyadoo feyruska awgiisna ay u dhinteen 432 qof.

Xiagsho: YLE,HS, AlJAZEERA