Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 294 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Talaada 20.10.2020 laga helay feyruska korona 294 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 13 849 qof.

Waxaa feyruska laga helay 46 magaalo oo kala duwan. Meelaha ugu badan ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalooyina kala ah, Vaasa 43, Helsinki 43, Jyväskylä 42, Tampere 32, Mustasaari 23, Kouvola 7, Espoo 6 iyo Maalahti 6, Vantaa 5 iyo Turku 4.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 62 qof sida ay sheegtay hay’adda THL.  55  ka mid ah waxaa ay ku jiraan qaybta daryeelka caadiga ah, 7 kamid ahna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

Baaritaankii labaad ee feyruska korona ee laga qaaday ra’iisull wasaaraha dalkaan Sanna Marin oo negatiif noqday

Xafiiska golaha wasiirrada ayaa sheegay, in saamigii baaritaanka feyruska korona ee laga qaaday ra’iisul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin shirkii golaha midowga Yurub kaddib uu noqday Negatiif.

Ra’iisul wasaaraha Finland ayaa toddobadkii la soo dhaafay waxaa ay isku meel joogeen xildhibaanka xisbiga mucaaradka Tom Packalenin, kaasoo khamiistii la soo dhaafay laga helay feyruska.

Sanna Marin ayaa saamigii ugu horreeyay ee baaritaanka feyruska korona waxaa laga qaaday, Jimcihii la soo dhaafay markii ay shirka ka soo noqotay.

 Gobolka Pohjanmaa oo aad loo adkeeyay isticmaalka afshareerka

Kooxda iskuduwidda arrimaha koronaha ee gobolka Pohjanmaa ayaa go’aan ku gaaray Jimcihii, in soojeedinta aadka u adag ee ku saabsan afshareerka ay tahay mid saameyneysa dhammaanba dugsiyada dhexe iyo kuwa sare ee Waaxda caafimaadka ee Vaasa iyo agagaarkeeda, xaaladda koronaha ee adag ee halkaas awgeed.

Waxaana dhammaanba iskuullada loo dalbay afshareer, kaasoo la bari doono ardeyda qaabka ammaan ahaan loo istcimaalo afshareerka.

Sidoo kale kooxda arrimaha korona ee baarlamaanka dalkan Finland ayaa soo jeediyay in baarlamaanka dhexdiisa oo dhan ay tahay in lagu qaato afshareerka. Soo jeedintaan ayay kooxdu sameeyeen maanta, waxaana la dhaqangeliyay islamarkiiba.

Qaadashada afshareerka ma khuseyso qofka ku jira xafiiskiisa shaqada ama xafiisyada uu qofku si gaar ah u joogo.

Finnair oo shaqada ka joojineysa 600 oo qof oo ka mid ah shaqaalaheeda dalkaan Finland gudihiisa ka shaqeeya

Shirkada Finnair ayaa sheegtay in saameynta uu ku yeeshay cudurkan safmarka feyruska korona awgiis ay shaqaalaheeda ka dhimi doonto tiro gaaraysa 600 oo Finland gudaheeda ah iyo 100 qof oo dalka dibaddiisa ah. Waxaana shaqaale dhimistaan ay hirgeli doontaa ugu dambeyn bisha Maarso ee sannadka soo socda ee 2021.

Shaqaale dhimista ka sokow waxaa kaloo ay shirkaddu sameyn doontaa shaqo ka fariisin muddo cayiman ah oo lagu sameyn doono dhammaan shaqaalaheeda oo dhan. Shirkaddu waxaa ay sheegtay in shaqo ka fariisinta mudada cayimman ah ay waqti dheer socon doonto, waayo sida ay haya’daha xirfadda u leh arrimaha duulimaadyada sheegeen, ka soo kabashada xaaladdaan waxaa ay gaadiidka diyaaradaha ku qaadan doontaa muddo dhowr sannadood ah.

Shirkadda Finnair waxaa haatan u shaqeeya shaqaale tiradooda gaareyso illaa 6500 oo qof. Waxaana howshaan shaqo ka fariisinta iyo dhimsita shaaqalaha ay khuseysaa dhammaanba shaqaalaha shirkadda marka laga soo reebo duuliyayaasha iyo u adeegayaasha rakaabka.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

 Ruushka oo markii ugu horreysay laga helay feyruska tiro kor u dhaafeysa 16 000 o qof

Wakaaladda wararka ee dalkaas Rushka TASS ayaa sheegtay in dalka Ruushka tan iyo intii uu bilowday xanuunkan safmarka ah ee korona, markii ugu horreysay laga helay dalkaas tiro kor u dhaafaysa 16 000 oo qof oo qaba feyruska korona.  Waxaana afar iyo labaatankii saac uu cudurku ku faafay dad gaaraya 16 319 qof.

Magaalada caasimadda ah ee Moscow oo kaliya waxaa feyruska laga helay 5000 oo qof. Magaalada Pietar waxaa iyana laga helay 700, waana tiradii ugu badnayd ee magaaladaas laga helo. Faafista feyruska ee dalka Ruushka ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah u karaar qaadanaysay.

Tirada afar iyo labaatankii saac ee la soo dhafay u dhimatay feyruskana waxaa ay ahaayeen 80 qof.

 Dalka Hindiya ayaa feyruska laga helay tiro aad uga yar intii hore

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa shaaca ka qaadday in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 46 790, taa soo ah tiro ka yar kuwii maalmahaanba laga helayaay Hindiya.

Bishii sagaalaad ayay bilaabatay in tirada maalinlaha ah ee dadka laga helaayo feyruska ay aad u sii kororto, waxaana maalin walba dalka laga heli jiray qiyaastii in ku dhow 98 000 oo qof.

Tirada guud ee dalka Hindiya ee laga helay feyruska ayaa ah 7,6 milyan. Waana waddanka labaad ee caalamka oo dhan, waxaa ka horreeya oo kaliya dalka Maraykanka. Dhimashada dadka uu galaaftay feyruska korona ee dalka Hindiya ayaa tiradodu gaaraysaa 115 197 qof, kuwaasoo 587 ka mid ah ay nafbaxeen afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Waxaa dalka Hindiya dhowaan ka bilaaban doona xilli xafladeed dhaqan ahaan ay u leeyihiin, taasoo laga cabsi qabo in ay kordhiso faafista cudurka korona.

Dowladda Ireland oo si buuxda xadidaadda xagga socodka ah ku soo rogtay dalka oo dhan

Ra’iisul wasaaraha Dalka Ireland Micheal Martin ayaa sheegay in Ireland ay dib u soo celineyso xukunkii ahaa xadidaadda xagga socodka oo lagu soo rogay dalka oo dhan cudurkan safmarka korona awgiis. Waana dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan Midowga Yurub oo mar kale xaalad degdeg ah geliyay dalka.

Dalka waxaa lagu celiyay xadeynta marxaladda shanaad, taasoo loola jeedo xadaynta buuxda oo xagga socodka ah.

Dadka waxaa la amray in ay guryahooda ku jiraan, ayna iska ilaaliyaan socoka guriga dibaddiisa, wixii lagamammaarmaan ah mooyaane. Dadka waxaa loo oggol yahay in iyagoo nidaamka ilaalinya ay socdaan illaa iyo masaafo 5 km u jirta agagaarka gurigiisa, qofkii sharciga jabiyana wuxuu muteysanayaa ganaax.

Xadeyntaan cusub ee dalka Ireland waxaa dhaqangelkeedu bilaaban doonaa maalinka Arbacada, waxaana ay socon doontaa muddo lix toddobaad ah. Xitaa gaadiidka dadweynaha ayaa la xadidayaa.

Xadidaadaan ayaa khuseysa dadka oo dhan marka laga soo reebo shaqaalaha xirfadoodu ay muhiimka u tahay xaaladaha degdegga ah ee dalku ku jiro. Sidoo kale dhammaanba shirkadaha oo dhan marka laga soo reebo kuwa muhiimka u ah xaaladdaan degdegga ah ayaa la amray in la xiro. Maqaaxiyaha iyo baararkana waxaa ay iibin karaan oo kaliya cuntada dalabka ah ee hore loo sii qaadanayo .

Iskuullada iyo xannaanooyinku wali waa ay sii furnaan doonaan.

Dalka Arjantiin waxaa markii ugu horreysay ay kor u dhaaftay tirada halka Milyan ee fafista feyruska korona

Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas Arjantiin ayaa Isniintii sheegay in tirada dadka laga helay feyruska korona ay markii ugu horreysay kor u dhaaftay hal milyan, waxaana tirada guud ee dadka laga helay feyruska ay haatan maraysaa 1002 662 qof.

Sidaas ayuuna dalka Arjantiin ku noqday dalkii shanaad ee tirada dadka feyruska laga helay ay milyan kor uga kacday. Waxaana faafista feyrusku ay si aad ah ugu soo korortay dalkaas toddobaadyadii la soo dhaafay.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa dalka laga helay qiyaastii tiro le’eg 13 000 oo qof, waxaana u dhintay 450 qof.

Faransiiska

Dalka Faransiiska oo xaaladda faafista feyruska korona ay aad uga sii dareyso, ayaa waxaa lagu soo warramayaa in qaybta isbitaallada ee xaaladda aadka u daran ay ku jiraan bukaan kor u dhaafaya 2000 oo qof. Waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay qaybta xaaladaha aadka u daran ee isbitaalka cudurka korona awgiis loo dhigay bukaan gaaraya 269 qof.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa dalka faransiiska laga helay feyruska 13 243 qof. Waxaana u dhintay 146 qof.

Xigasho: YLE,HS,ALJAZEERA