Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 350 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Khamiis 19.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 350 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 20 286 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 54 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 255 xaaladood oo cusub Helsinki: 154 qof, Espoo: 37 qof, Vantaa: 37 qof, Oulu: 20 qof, Alajärvi: 9 qof, Kouvola: 8 qof, Kirkkonummi, Kuopio iyo Joensoo 5 oqf magaalo kasta, Hyvinkää iyo Nurmijärvi: 4 qof magaalo kasta, Turku iyo Tampere: 3 qof magaalo kasta.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 90 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 12 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Laga bilaabo isniintii la soo dhaafay waxaa tirada dadka u baahan daryeelka isbitaalka ku soo korodhay 10 qof. Sida ay maanta sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska awgiis u dhintay 3 qof oo hor leh, taasoo wadarta guud ee tirada dhimashada ka dhigeysa 374 qof. Tirada dadka dhintay ee ka tirsan waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa waa 294 qof. Dadka dhintay 153 qof oo ka mid ah waxaa ay da’doodu u dhexeysay 80-89 sano jir.

Xaaladda Gobolkaan Uusimaa ee caasimadda iyo hareeraheeda ayaa maalmahanba aad uga soo dareysay, waxaana laga helaayay tirada ugu badan ee feyruska korona. Qaar ka mid ah madaxda dowladda iyo dhakhaatiirta ssre ee dalka ayaa shalay tilmaamay in xaalka gobolkaan uu gaaray meel sare, islamarkaana loo baahan yahay in laga soo saaro go’aanno adag. Maanta ayaa kooxda iskuduwidda arrimaha korona ay ka shirayaan xaaladahan soo cusboonaaday ee faafista feyruska korona, iyadoo la filaayo in ay soo saaraan go’aanno ka adag kuwii hore u jirey oo looga hortagaayo faafista feyrusk korona.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

15 447 569 56 368 937
 

Tirada u dhimatay feyruska

353 520 1 350 713

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Maraykanka 11,8   milyan   173 768    1 964 256 262
Hindiya 8,95   milyan     45 439      587 131 618
Baraaziil 5,94   milyan     35 645      754 167 497
Faransiiska 2,06   milyan     28 383      425   46 698
Ruushka 1,99   milyan     20 958      456   34 387
Spain 1,54   milyan     11 064      351   42 039
Ingiriiska 1,43   milyan     19 609      529   53 274
Arjantiin 1,33   milyan     10 332      241   36 347
Talyaaniga 1,27   milyan      34 283      753   47 217
Kolombiya 1,21   milyan        6 875      182   34 563
Mexico 1,01 milyan        1 757      165   99 026
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter