Dad badan ayaa u dayacmay qaadista feyruska korona oo karantiil la geliyay

Iskuullo dhowr ah iyo xannaanooyin ka tirsan magaalooyin kala duwan oo dalkaan Finland ah ayaa carruurtii dhiganaysay iyo shaqaalihiiba waxaa la geliyay karantiil, kaddib markii ay u dayacmeen qaadista feyruska korona.

Waxaana maalintii shalay aheyd karantiil la geliyay carruur iyo dhalinyaro magaalooyinka Porvoo, Tuusula, Joensuu iyo Jyväskylä.  Dadka karantiilka la geliyay waxaa ay ka kooban yihiin laba boqol oo carruur iyo dhalinyaro ah iyo labaatameeyo dad waaweyn ah.

Magaalada Porvoo waxaa karantiil la geliyay hal fasal iyo macallimiin ka tirsan iskuulka Lyceiparkens skolan, waxaana karantiilka la geliyay uu ku egyahay illaa iyo 31 bisha Agoosto.

Magaalada Tuusula illaa iyo 80 ardey oo ka tirsan iskuulka Riihikallion koulu karantiil la geliyay, wuxuuna ku egyahay illaa iyo dhammaadka bishaan.

Intaa waxaa dheer in xannaanada carruurta Keljonkanka ee ku taalla magaalada Jyväskylä la geliyay karantiil 39 caruur ah iyo dhowr qof oo shaqaalaha ka mid ah, Sidaana waxaa sheegay shaqaale ka tirsan magaalada Jyväskylä.

Sidoo kale Joensuu xannaanada la yiraahdo Vesikkopuisto ayaa waxaa karantiil la geliyay koox dhan oo ka kooban 18 carruur ah iyo shan qof oo shaqaalaha ah. Sida uu sheegay hawlwadeen ka tirsan magaalada, waxaa u daycanaanta feyruska la ogaaday maanta.

Maalmahaan waxaa aad u soo badanaysay u dayanaanta feuriska korona, iyadoo tirada dadka cusub ee laga helaayo feyruska dalkaan Finland ay maalin walba sii kordheyso. Waxaana sidoo kale hawlwadeennada caafimaadka ka soo baxaayay talosiin ku saabsan in aad la isu ilaaiyo, dadkuna ay iska daayaan aaadista munaasabadaha iyo goobaha la isugu imaanayo.

Isha warka: Yle