Finland waxaa laga helay 17 nooca feyruska cusub ee korona ah

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL waxaa Finland illaa iyo haatan laga helay 17nooca cusub ee feyruska korona ee sida dhakhsaha ah u faafa, kaasoo  markii  ugu horreysay lagu arkay dalalka Ingiriiska iyo Koonfur-Afrika. 14 kamid ah sida ay sheegtay THl waxaa lagu helay baaritaan cusub oo dhanka sheybaarka ah oo dib loogu sameeyay, halka saddexda kalena hore loo sheegay taariikhdu markii ay ahayd 28.12.2020.

Xaaladahaas oo dhan sida ay sheegtay THL waa kuwo la xiriira safar ay dadka laga helay feyruska ku tageen dalka Ingiriiska ama waddan kale oo ka tirsan dalalka dibadda intii u dhexeysay 7.-20.12.2020.

Xaladahaas faafista ah 5 ka mid ah waxaa laga helay xubnaha qoyska ee dadka feyruska ku dhacay oo karantiil ku jiray. Dhammaan xaaladahaan cusub ee feyruska korona waxaa laga helay gobollada Uusimaa iyo Kymenlaakso.

Waqti hore ayaa la sheegay in Finland laga helay laba xaaladood oo feyruska nooca cusub ee Ingiriiska ka dillaacay iyo hal xaalad ah oo nooca Koonfur-Afrika ah.

Dadka ka yimaada Ingiriiska iyo Koonfur-Afrika marka ay xuduudaha dalka soo galaan, waxaa loo sheegaa in ay iska qaadaan saamiga baarista feyruska korona, islamarkaana ay karantiil galaan.