Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 90 qof oo cusub oo qaba feyruska korona. Iyo hal qof oo u dhintay feyruska.

Isniin 09.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 90 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 17 887 qof.

Waxaa feyruska laga helay 20 magaalo oo Finland ka tirsan. Tirada dhabta ah ee magaalooyinka laga helay feyruska lama oga, waayo hay’adda THL sooma gudbiso magaalooyinka tirada dadka laga helay feyruska ay ka yar tahay 5 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista cudurku ka dhacay waa sidatan soo socota: Helsinki 20, Espoo 19, Vantaa 17, Turku 6, Tornio 5, Oulu 4.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 86 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 13 qof oo ka mi d ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Waxaana ku soo kordhay tiradii hore 18 qof oo hor leh. Hay’adda THL waxaa ay maanta sheegtay in hal qof oo hor leh uu u dhintay feyruska korona, taasoo tirada guud ee dadka u dhintay feyruska ee dalkaan Finland ka dhigeysa 363 qof.

Dad cusub oo u nuglaaday feyruska korona magaalooyinka Kuopio iyo Tampere

Magaalada Kuopio 25 qof oo ka tirsan xannaanada Inkilänmäki, ayaa u nuglaaday feyruska korona. Arrinkaan waxaa soo sheegay wargeyska Savon Sanomat, waxaana uu wargeysku intaa raaciyay in dhammaan dadkii u nuglaaday feyruska lala xiriirey.

Isbitaalka Jaamacadda Tampere ayaa sheegay in magaalada Tampere toddobaadkii la soo dhaafay ay ka dhacday saddex kooxood oo u nuglaanta feyruska korona. U nuglaantii u horreysay waxaa ay ka dhacday Rauhaniemen kansankylpylä, labada kale ee nuglaantana waxaa ay dhaceen 4 .11, iyagoo ka kala dhacay Golaha madadaalada Tampere iyo maqaaxida Teatterikulma.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

12 188 305 50 395 314
 

Tirada u dhimatay feyruska

293 841 1 255 464

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 10.2 milyan 102 726      512 243 768
2 Hindiya 8,55  milyan    46 661      491 126 653
3 Baraaziil 5,65 milyan    10 554      111 162 397
4 Faransiiska 1,78  milyan    38 619      270    40 439
5 Ruushka 1,77 milyan    20 498      286    30 537
6 Spain 1,38  milyan    38 833
7 Arjantiin 1,24 milyan       5 331      212    33 560
8 Ingiriiska 1,19 milyan     20 572      156    49 044
9 Kolombiya 1,14 milyan        7 440      196    32 791

Xigasho: YLE,HS,MTV3, Worldmeters.info