Finland waxaa laga helay maanta 401 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 4 xaaladood oo dhimasho ah

Jimce 05.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 401 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 46 894 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 73 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 258 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 39 qof, iyo gobolka Vaasa  oo laga helay 24 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 114 qof, Vantaa: 56 qof , Espoo: 46 qof, Turku: 22 qof, Järvenpää iyo Nurmijärvi: min 9 qof, Vaasa: 7 qof, Kerava: 6 qof, Jyväskylä,Tampere, Närpiö, Kaarina, Pori iyo Rauma: min 5 qof, Magaalooyinka kala ah Oulu, Sipoo, Kotka iyo Korsnäs: min 4 qof, Magaalooyinka Lohja, Nokia, Muurame, Paimio, Hattula, Lahti, Kuopio,Tuusula iyoTornio: min 3 qof, magaalooyinka Vihti, Salo, Raisio, Uusikaupunki, Pöytyä, Sastamala, Muhos, Mikkeli, Alavieska, Mustasaari, Kirkkonummi, Savonlinna iyoVöyri: min 2 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 124 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 692 qof, kaddib markii ay hay’adda THL maanta geleinkii dambe sheegtay dhimashada 4 qof o hor leh.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 164 501 qof (5.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     34 122 077    105 509 684
         761 612       2 296 597

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 27,273,890  121 627   3 523  466 988
2 Hindiya 10,803,533    12 410      120  154 862
3 Baraaziil 9, 397,769    57 848   1 291  228 883
4 Ruushka 3,917,918    16 714      521   75 205
5 Ingiriiska 3,892,459    20 634      915  110 250
6 Faransiiska 3,274,608    23 448      357    77 952
7 Isbeyn 2,943,349    29 960      432    60 802
8 Talyaaniga 2,597,446    13 659      421    90 241
9 Turkey 2,508,988      7 909      113    26 467
10 Jarmalka 2,265,536    12 989      673    60 885
11 Kolombiya 2,135,412      9 790      254    55 131
12 Arjantiin 1,961,635      8 891      161    48 700
13 Meksiko 1,886,245    12 153   1 707  161 240
14 Poland 1,533,511      6 496      444    38 344
15 K/afrika 1,466,767      3 751      261    45 605
16 Iiraan 1,445,319      7 033        67    58 256
17 Ukriane 1,232,246       5 082      140    23 229
18 Peru 1,165,052       5 082      140    41 753
19 Indonesia 1,123,105     11 434      231    31 001
20 Czechia 1,013,445       9 651      121    16 911

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS